C/wali Muudeey oo sheeganaya ku-sime Gudoomiye oo shaqo joojin ku sameeyay Xoghayaha Guud ee Golaha Shacabka C/kariin Buux

02 April 2018 (Puntlandes) Guddoomiye kuxigeenka 1aad Golaha Shacabka Cabdiwali Muudeey ayaa qoraal uu soo saaray waxa uu ku sheegay in shaqo joojin lagu sameeyay Xoghayaha Guud ee Golaha Shacabka C/kariin Xaaji Cabdi Buux.

14a1

Qoraalka ayaa ku taariikheysneyd 2da April oo maanta ku beegan ayaa waxaa lagu ogeysiiyay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, Xafiiska Hanti dhowrka Guud, Wasaaradda Maaliyadda, Wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaha, Guddiga Shaqaalaha Rayidka iyo Bankiga Dhexe.

Guddoomiye kuxigeenka 1aad Muudey ayaa wali ku adkeysanaya inuu yahay Kusimaha Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa waxa uu si KMG ah shaqada u sii wado uu u magacaabay Xoghayaha Guud uu u faray Kuxigeenka Xoghayaha Guud ee Golaha Shacabka Maxamed C/llaahi Cabdi Ciyow.

 

Akhriso qoraalka Muudeey

14

14a
Puntlandes.com

About The Author