Abiy Axmed oo maanta loo dhaariyay xilka Ra’isal wasaaranimo ee dalka Ethiopia
02 April 2018 (Puntlandes) Baarlamaanka Ethiopia ayaa Ra’iisal wasaare u doortay maanta Abiy Axmed, waxaana isla maanta loo dhaariyay xilka ra’iisal wasaaranimo ee dalkaasi Ethiopia.
Abiy Axmed oo Da,diisu tahay 42, ayaa waxaa uu noqonayaa Raysal wasaarihii ugu horeeyey ee ka soo jeeda Qowmiyadda Oromada ee Raäiisal wasaare ka noqda dalka Ethiopia.
Ra’iisul wasaaraha cusub ee dalka Ethiopia ayaa sheegay in dowladdiisu ay diyaar u tahay in ay Eritrea kala shaqayso sidii loo xalin lahaa muranka u dhaxeeya labada dal,iyada oo loo marayo wadada wada xaajoodka.
Bishii March 27, 2018, Xisbiga haya talada wadanka Ethopia ayaa Abiy Axmed u doortey inuu noqdo guddoomiyaha xisbiga kadib markii uu xilka iska casiley Raäiisal wasaarihii hore ee Hilamariam Desaglen kadib markii wadanka ka dhaceen kacdoono badan oo looga soo horjeeday maamulkiisa kuwaasoo ay hor kacayeen Qowmiyadda Oromada
Abiy Ahmed intaan xilkan loo dooran wuxu ahaa Guddoomiyaha gobolka Orommiya,Sidoo kale wuxuu soo maray wasiirka Aqoonta iyo Tiknoolajiyadda waana Kiristaan.
Qawmiyadda Oromada ayaa ah qawmiyadda ugu tirada badan dalka Itoobiya, waana muslim intooda badani tobankii sano ee ugu dambeeyey waxay ka cabanayeen in lagula kacay xad gudubyo taasoo ay ka dambaysey markii ay bilaabeen kacdoon ka dhana maamulka Ra’iisal wasaarihii hore ee Itoobiya Hailamariam Desaglen.