XOG: RW Khayre oo xalay Beel Beel ula kumay Xildhibaanadii Laaluushka lagu siiyey ridista Jawaari
02 April 2018 (Puntlandes) Ra’iisul wasaaraha dawladda Faderaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa ayaa xalay Beel Beel ula kulmay Xildhibaanadii uu Laaluushka ku siiye y inay xilka ka qaadaan Gudoomiyaha Golaha S hacabka mudane Maxamed Cismaan Jaari.
Warbaahinta Puntlandes ayaa ilo lagu kalsoon yahay ka ogaatay in ujeedada kullamadu ay ahaayeen sidii loo sii wadi lahaa Mooshinkii xilka looga tuuri lahaa Jawaari, halkaan ka akhriso Xildhinbaanada LAALUUSHKa ka qaatay oo uu la kulmay
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa joojiyey kullan xilka ay uga qaadi lahaayeen Khayre iyo saaxibadiisa Fahad iyo Shariif Xasan maalintii sabtida ahayd ee ay maarso ahayd 31da, iyadoo ay ummadda Soomaliiyeed u fahmeen in arinta uu xalin doono Farmaajo laakiin taasi ma aysan dhicin.
Sharcidarada uu Khayre doonayo inuu xlka uga qaado Jawaari
Ra’iisul wasaare Kheyre ayaa doonaya inuu sifo Sharcidaro ah xlka uga tuuro Gudoomiye Jawaari, taasoo ka hor imaanaysa Dastuurka dalka iyo Xeer hoosaadka Golaha Shacabka.
Qodabka 65aad gaar ahaan farqadiisa 4aad ee dastuurka dalka ayaa waxay si cad u sheegaya sida codka kalsoonida loogu qaadayo Guddoomiyaha & Ku-xigeennada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka.
Qodobka 65aad farqadiisa 4aad ee dastuurka faderaalka Soomaaliya ayaa u qoran sidan:
(4) Guddoomiyaha iyo ku-xigeennadiisa waxaa codayn qarsoodi ah ku doorta aqlabiyadda tirada guud ee xubnaha Golaha Shacabka ee Federaalka ah, xilkana kaga qaada codbixinta saddex dalool laba dalool xubnaha Golaha Shacabka Federaalka ah.
Waxaa cad Khayre, Fahad, Shariif Xasan iyo Muudeey ay isku raaceen inay xilka uga xayuubiyaan Jawaari sifo sharci daro ah, taasoo ah Gacantaag iyagoo diidan inta LAALUUSH laga qaatay in loo cadayn waayo haddii ay codayntu u dhacdo sida dastuurku qabo.
Puntlandes.com