Akhriso Gudoomiye Jawaari oo shaqo joojintii uu Muudeey ku sameeyey Xoghayaha Guud ee Golaha Shacabka waxba kama jiraan ka dhigay
02 April 2018 (Puntlandes) Gudoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Cismaan Jawaari ayaa qoraal uu soo saaray kaga jawaabay qoraal uu Guddoomiye kuxigeenka 1aad Golaha Shacabka Cabdiwali Muudeey ku sheegay inuu shaqo joojin ku sameeyay Xoghayaha Guud ee Golaha Shacabka C/kariin Xaaji Cabdi Buux, halkaan ka akhriso qoralkii Muudeey.
Gudoomiye Jawaari ayaa shaqo joojintii Muudeey waxba kama jiraan ka dhigay, isagoo ku tilmaamay mid aan ku salaysnayn Xeer JHoosaad Golaha uuna yahay Gudoomiyaha oo kaliya ewaxa magacaabi kara ama xilka ka qaadi kara Xoghayaha Guud ee Golaha Shacabka.
Hoos ka akhriso qoraalka Jawaari
Puntlandes.com