Sawirro: Wasiirka Isboortiga Soomaaliya oo Xalay kulan soo dhaweyn ah u sameysay Orodyahan Cabdi Bile
03 April 2018 (Puntlandes) Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Cayaaraha ee Xukuumadda Soomaaliya Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye, oo ay wehliyaan qaar ka mid ah Wasiirrada Isboortiga ee Maamul goboleedyada, Wakiillo ka socday maamulka Gobolka Banaadir, xubno matalayay xiriirada Isboortiga Dalka iyo mas’uuliyiin kale ayaa caawa kulan soo dhaweyn ah u sameyeey Orodyahanka Soomaaliyeed ee caanka ah Cabdi Bile Cabdi oo Muqdisho dhowr iyo Soddon Sano ka dib soo gaaray.
Munaasabaddan Casha sharafta ah oo ujeedkeedu ahaa dhiiri gelinta iyo soo dhaweynta orodyahan Cabdi Bile ayaa waxaa ka hadlay Dad Taariikh ku leh Isboortiga Dalka, kuwaasi oo ka sheekeeyay halgankii iyo Magacii uu soo hooyay Orodyahan Cabdi Bile Cabdi.
Guddoomiyaha Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta Cabdi qani Saciid Carab ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsanyahay soo dhaweynta ay Wasaaradda u sameysay, ayna dhankooda soo dhaweynayaan, si dhallinyarada ay uga faa’iideystaan khibraddiisa iyo xirfaddiisa Isboorti.
Orodyahan Cabdi Bile Cabdi, oo hadal kooban ka jeediyay xafladda ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsanyahay soo dhaweynta loo sameeyay, ugana Mahadcelinayo Madaxda Wasaaradda iyo mas’uuliyiinta kale ee kulanka soo qaban qaabiyay.
Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Cayaaraha ee Xukuumadda Soomaaliya Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye, ayaa xustay in Orodyahan Cabdi Bile laga faa’iideysan doono khibraddiisa iyo waayo aragnimada uu leeyahay, waxaana ay intaa ku dartay in Wasaaraddu ay xoogga saareyso horumarinta Isboortiga Dalka.
Orodyahan Cabdi Bile Cabdi ayaa Sanadku markuu ahaa 1987-kii waxa uu ka qayb galay koobka oradka Adduunka ee masaafadiisu ahayd ( 1500m ) oo markaa lagu qabanayay Magaalada Roma ee caasimadda Dalka Talyaaniga, markaas oo uu ku guulastay koobka isagoo lulaya Calanka Soomaaliya.