Jawaari “Anigu isma casilayo ee Xukuumadda iyadaa gabtay waajibkeeda ha is casisho”

03 April 2018 (Puntlandes) Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Maxamed Cismaan Jawaari oo goor dhow shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa ayaa sheegay in Madaxweynaha uu ku guuldareystay inuu kala dhex galo dhinacyada khilaafka u dhaxeeyay, isagoo xusay in maalinkii uu baajinayay kulankii Sabtida uu qabsaday muddo 10 cisho ah in lagu xalinayo khilaafka, balse aanay arrintaas waxba ka suura gelin.

97a4

Guddoomiye Jawaari ayaa sheegay in meeshii uu ka sugayay Madaxweynaha soo jeedin odaytinimo iyo wixii sharci la raaco iyo in la isugu keeno labada dhinac uu ku guuldareystay, isla markaana isaga uu ku yiri is casil, taasna ay tahay wax aan la aqbali karin.

Waxa uu sheegay in Xukuumadda ay howsheeda gabtay, isla markaana iyada loo baahan yahay inay is casisho, waxaana uu intaa ku daray in qalalaase badan ay abuureen, kuna kaceen falal aan fiicneyn, sida inay ku talax tageen xormadii Baarlamaanka sida uu hadalka u dhigay.

“Waa qariib in Xukuumadda ay dhahdo lama shaqeyn karno Guddoonka Baarlamaanka, inaan ayaga u shaqeeyo miyay rabaan, waxaa rabaa inaan qeexo arrin dastuuri ah anaga uma joogno inaan u shaqeyno Xukuumadda, wada shaqeyn ayaa naga dhaxeyso, aniga is casili maayo, iyada ha is casisho”ayuu yiri Guddoomiye Jawaari.

Guddoomiye Jawaari ayaa sharci darro ku tilmaamay kulanka maalinta berri uu iclaamiyay Guddoomiye kuxigeenka 1aad C/wali Muudey, isagoo ka digay wixii cawaaqib xumo ee ka dhasaa uu mas’uuliyadeeda qaadayo Madaxweyne Farmaajo.

Waxaa uu sheegay in Madaxweynaha uu dhinac la jiro, isla markaana kulanka berri la qaban qaabinayo uu isaga fasaxay sida uu hadalka u dhigay.

Hadalka ka soo yeeray Guddoomiye Jawaari ayaa ah mid cirka sii gelinaya khilaafka ka dhex taagan Xukuumadda iyo Baarlamaanka, iyadoo maalinta berri Xildhibaanada mooshinka ka keenay ay u balansan yihiin kulan ay ku leeyihiin Xarunta Golaha Shacabka.

Puntlandes.com

About The Author