Ciidamo ay Xukuumaddu soo dirtay oo la wareegay Xarunta Golaha shacabka

03 April 2018 (Puntlandes)   Ciidamo ay soo dirtay Xukuumadda uu hogaamiyo Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre ayaa la wareegay  xarunta Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka, iyadoo uu cirka isku shareeray khilaafka ka dhex curtay Golaha.

89c6

Caadanka Niza ayaa goor dhawayd la wareegay gacan ku haynta xarunta, iyadoo uu Khayre qorsheeyey inuu xilka uga tuuro Gudoomiyaha Golaha Shacabka sifo aan sharci ahayd.

Ciidamadan ayaa kala wareegay xarunta Ciidamo Boolis ah oo qaabilsanaa ammaanka Xarunta Golaha Shacabka, oo uu madaxweyne Farmaajo kusoo celiyey 31dii Marso kadib Markii sidaan oo kale ay Xukuumaddu qabsatay.

Ra’iisul wasaare Khayre oo kaashanaya Fahad Yasiin ayaa waxa u qorshaysan inay GACANTAAG sharcidaro ah xilka uga tuuraan berri Jawaari, waxayna ku xisaabtamayaan cododka Xildhibaano ay LAALUUSH aad u faro badan siiyeen, halkan ka akhriso.

Aqoonyahano ka faalooda arimaha Soomaaliya kuna xeeldheer aqoonta dawladnimada oo ay wax xaalku meesha uu marayo ay wax ka waydiisay Warbaahinta Puntlandes ayaa waxay ku soo koobeen in dalka uu ka dahacay INQILAB Milatari

Lama oga halka ay ku dambeyn doonto xaaladan cusub ee soo korortay, waxaana muuqata in Xukuumaddu shaqadii loo igmaday u badashay la dagaalanka iyo burburinta Golaha Shacabka

Puntlandes.com

About The Author