04 April 2018 (Puntlandes) Waxaa qabsoomin kulankii Xildhinbaanada Golaha Shacabka ee lagu waday in ay ku yeesheen xarunta Golaha Shacabka ee Muqdisho, iyagoo watay Ajendayaal kala duwan labada garab ee Golahu u qaysamay.
Xildhibaanada waday Mooshinka ayaa Gudoomiye Jawaari ku eedeeyay in uu kulanka isaga baajiyay kadib markii uu hub la soo galay xarunta Golaha.
Dhinaca kale xildhibaanada ka soo horjeedo mooshinkaasi ayaa Xukuumada ku eedeeyay in kulankaasi ay joojisay.
Xildhibaanada ayaa isku qilaafsanaa Ajandaha kulankaasi, lamana oga xiliga sida rasmiga ah uu dib ugu furmi doono kulankaasi Baarlamaanka .
Puntlandes.com