Daawo Video: Guddoomiye Jawaari oo beeniyey inuu xarunta Golaha Shacabka qabsaday
04 April 2018 (Puntlandes) Gudoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Cismaan Jawaari ayaa ka hadlay dhacdadii maanta ka dhacday xarunta golaha shacabka, isagoo waxba kama jiraan ku tilmaamay eedeymaha loo jeediyay.
Jawaari ayaa beeniyay in ciidamo isaga taabacsan ay la wareegeen xarunta golaha shacabka ee magaalada Muqdisho, isaga oo sheegay in ciidamo badan ay xaqiijinayeen amaanka xarunta.
Guddoomiyaha wuxuu sheegay in isaga uu watay kaliya 10 askari oo aan awoodin inay xarunta dhan la wareegaan ama qabsadaan, sida uu sheegayna wuxuu yiri “Jawaari oo la wareegay golaha shacabka waxay ka dhigan tahay madaxweynaha oo la wareegay madaxtooyadda”.
Jawaari, wuxuu hadalkiisa ku sheegay in saaka loo diiday in gaadiidkiisa uu ku tago xarunta golaha shacabka, islamarkaana uu tagay isaga oo lugeynaya, sida uu hadalka u dhigay.
Taliyaasha ciidamada xooga dalka ayuu ugu baaqay inaysan ku dhex milmin siyaasadda taagan, isagoo sheegay in looga baahan yahay inay dhex dhexaad ka noqdaan xiisadda taagan.
Taliyeyaasha Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa ku eedeeyay Gudoomiyaha Baarlamaanka in uu saakay la wareegay Guud ahaan xarunta, islamarkaana ay qabsadeen ciidamo taageersan.
Puntlandes.com