Daawo Video: C/Welli Muudeey oo eedeeyey Gudoomiye Jawaari
04 April 2018 (Puntlandes) Guddoomiye ku xigeenka Koowaad ee baarlamaanka C/Welli Sheikh Ibraahim Muudeey oo saxaafadda la hadlay ayaa ku eedeeyay Guddoomiye Jawaari inuu masuul ka ahaa waxii maanta dhacay.
C/Welli Muudeey ayaa sheegay in Guddoomiye Jawaari uu jibiyay sharciga iyo xeer hoosaadka u yaala baarlamaanka Soomaaliya, sida uu sheegay.
“Waxay diideen inay sharciga noo yaal inaan ku dhaqano, Jawaari ayaana masuul ka ah waxa dhacay”ayuu yiri Muudeey.
Dhinaca Kale C/Welli Muudeey ayaa sheegay in Guddoomiye Jawaari markii hore uu ku eedeyn jiray dhinacyada ka horjeeda inaysan sharciga dooneynin, balse maanta isaga iyo ku xigeenka labaad ay fowdo sameeyeen, sida uu hadalka u dhigay.
“Waxii horey loo sheegi jiray ee aheyd in sharciga la diidi jiray, laakiin maanta isaga ayaa diiday Jawaari”ayuu hadalkiisa kusii daray.
Ugu dambeyn Muudeey ayaa u sheegay Beesaha Caalamka iyo madaxda dalka inay arintaan wax ka qabtaan “Waxaan Beesha caalamka iyo madaxweynaha usoo jeedinayaa inay dib u eegaan waxii dhacay maanta Talaabano laga qaado, arinta maanta dhacday waa Sharci daro”
Puntlande.com