Jawaari oo la kulmay Safiirka Turkiga u fadhiya Muqdisho & Sii hayaha Safiirka Mareykanka u qaabilsan Somaliya
07 April 2018 (Puntlandes) Guddoomiyaha Golaha shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa kulamo gaar gaar ah la qaatay qaar ka mid ah Safiirada dalalka Caalamka u jooga Muqdisho.
Guddoomiye Jawaari ayaa la kulmay Safiirka Turkiga u qaabilsan Soomaaliya Olgan Bekar, waxayna ka wada hadleen arrimo kala duwan oo ay ka mid tahay xaalada siyaasadeed ee uu dalku galay.
Labada dhinac ayaa wadaagay qodobo kala duwan oo la xiriira xal u helida khilaafka iyo sidii loo gaari lahaa is faham ku yimaada wada hadal.
Dhanka kale Guddoomiye Jawaari ayaa la kulmay Sii hayaha Safiirka Mareykanka u qaabilsan Soomaaliya Martin Dale, waxaa kulankaas uu ka dhacay xarunta Xalane.
Wakiilada Beesha caalamka ee badankood fadhigooda yahay Xarunta Xalane ayaa si aad ah uga walaacsan khilaafka, waxaana madaxda dowladda ku cadaadinayaan in xal laga gaaro xiisada siyaasadeed iyo in loo maro wadada sharciga ee dastuurka qabo.
Kulamada Guddoomiye Jawaari la qaatay xubnaha safiirada ayaa ku soo beegmaya, iyadoo uu cirka isku shareeray khilaafka siyaasadeed ee taagan, waxaana la ogeyn halka uu xalka ku dambeyn doono.
Puntlandes.com