Daawo muuqaal & sawirrada Madaxtooyada dawladda Puntland ee Garowe oo dib u habayn lagu sameeyey
07 April 2018 (Puntlandes) Dhismihii laamiga gudaha Madaxtooyada dawladda Puntland ee Garowe ayaa lasoo geba gebeeyey, waxaana llaga higeliyey laami tayo leh.
Laamiga ayaa waxaa dhisay ka Shirkaddi Turkiga ahayd ee dhistay Garoonka General Mohamed Abshir ee Garoowe, iyadoo u dhistay si qiurux iyo tayo ku dheehan tahay.
Hadda waxaa shaqadu ku socotaa Aargooyinkii, Calaamadihii iyo nashqadayntii iyo waliba dhiraynta Madaxtooyadda.
Dhanka kale waxaa dhismihiisu heer gabo gabo ah marayaa Hoolka shirarka ee Madaxtooyadda iyo Dib u habayn guud oo lagu samaynayo Xafiisyadda kala duwan ee Madaxtooyadda.
Dawladda Puntland ayaa hadda waxay kaloo dhismo Madaxtooyo oo gabogabo maraya ka wadaa Xarunta Gobolka Mudug ee Gaalkacyo, iyadoo dhawaan xariga laga jari doono.