Akhri waxa Xamar ka socda: Koonfurta Mudug iyo Galgaduud maamul ma noqon karaan? Haday noqon karaana maxaa loo sheewaayey?

Waxaa Xamar ay ka soo saareen Gudi loo carbinayey 5 cisho sida Gobol dhan loo BOOBI karo war-Murtiyeed ay kaga hadlayaan maamulka ay sheeganayaan in ay dhisayaan. Hadaba su’aasha in la iswaydiiyo mudan waa  Koonfurta Mudug iyo Galgaduud maamul ma noqon karaan? Haday noqon karaana maxay u sheegiwaayeen in waxa ay maamulka u samaynayaan yihiin Koonfurta Mudug iyo Galgaduud? Gobolka Mudug ee Puntland na isbeerbarti ma laga dhigan karaa?

Halkan hoose ka akhri baaqii Gudiga BOOBKA

War-murtiyeedka ayaa waxa uu u qornaa sida tan:

Waxa ay ahayd 30, Julaay ,2014, markii Dawladda Federaalka iyo Maamullada ka jira gobolada Mudug iyo Galgaduud iyaga oo haysta kalsoonida shacabka labadaas gobol ay ku heshiiyeen in maamul loo sameeyo labadaadas Gobol. Laga soo bilaabo taariikhdaas ilaa iyo manta waxa socday dedaallo aan kala go’ lahayn oo laguxaqiijinayo hirgelinta maamul loo dhiso labadaas gobol silamid ah maamulla dadawlad-goboleedyada ah ee lagasameeyey gobolada dalka qaarkood.

Waxa la sameeyey Guddi Farsamo oo kakooban waxgaradka iyo Mauuliyiinta u dhashay bulshada degta Mudug iyo Galgaduud guddigaasina waxa uu kuhawlanaa sidii oo u diyaarinlahaa hawlaha farsamo ee laguhirgalinayo hawsha baaxadda leh oo lagu dhammaystirayo maamul tayo leh, dhammaystiran oo loo dhanyahay.

Waxa marwalba Guddiga Farsamada barbar-taagnaa oo la shaqaynayey qayba ha kala duwan ee bulshada kasoojeedda Mudug iyo Galgaduud.

Haddaba, manta oo taariikhdu tahay 15ka Diisambar 2014, waxa Guddiga Farsamada u soogeba-gaboobay kulan qorshayn iyo lafa-gurida hawlaha u yaalla kusaabsan oo socday 5 maalmood. Kulan kaasoo ay kagacan-siiyeen Was.Arr.Gudahay iyo hayadaha CRD iyo FCA. Waxyaalaha kulankaas ugu qabsoomay waxa kamid ahaa arrimahan:

• Is-barasho dhammaystiran oo dhammaan xubnaha Guddiga Farsamadu isku bartay isuna fahmeen si qotodheer

• Waxa ay guddigu dejiyeen oo dhammaystireen qodobadan soosocda:

1. Qorshe-hawleed (Road-map) dhammaystiranoo ay ku jiraan dhammaan tallaabooyinkii iyo hawlihii lagu hirgelin lahaa maamul oo loo dhanyahay.

2. Qaababka Guddiga Farsamada uu ula shaqaynayo dhammaan daneeya yaasha, saameeya yaasha iyo darafyada kaladuwan ee xiriirka la leh hawsha maamul ka loogu samaynayo gobolada Mudug iyo Galgaduud. Darafyadaas iyo daneeyayaasha oo isugujira kuwo caalami ah sida UNSOM, IGAD, AMISOM, CRD, FCA iyo kuwo maxali ah sida hayadaha kaladuwan ee Dawladda Federaalka oo ay u xilsaartay Was.Arr.GUdaha iyo federaalka, maamullada kajira deegaanka, beelaha siyaasiyiinta iwm
.
3. Waxa Guddigu dejiyey shuruudaha iyo qaababka lagu sooxulayo iyo hawlaha looga baahanyahay Odayaasha Dhaqanka ee Rasmiga ah iyo Ergooyinka imandoona shirweynaha lagu dhisayo maamul-goboleedka

4. Sidoo kale waxa Guddigu dejistay qaababkii iyo xeer-hoosaadkii uu ku wada shaqayn lahaa si uu u guto hawsha u taalla

5. Waxa kale oo uu Guddigu aqoon isweydaarsi kafaa’iidaystay khubaro ku xeel dheer nidaamka federaalka iyo dustuurka kana soo shaqeeyey maamulladii dhawaan la sameeyey.

6. Shirka inuu si dhaqsi ah u furmo

Intaas waxaa dheer oo Guddigu islameel dhigay oo qorshaystay sidii uu kudhammaystirilahaa dhammaan hawlaha uga dhiman in uushirkii u furmo sida ugu dhaqsahabadan.

MAHADNAQ

Guddiga Farsamadu waxa uu mahadnaq ballaaran oo kal iyo laab ah halkan uga gudbinayaa dawladda Federaalka gaar ahaan Wasiirka, Xoghayaha Joogtada ah, Agaasimaha Guud iyo Hawl wadeennada kale ee wasaaradda kasocda sida masuuliyadda iyo xilkasnimadaleh ee ay nooga gacan siiyeen hirgelinta kulankan qorshaynta iyo hawlaha kale ee Guddigu uga baahday.

Waxa kale oo Guddigu mahad naq weyn u gudbinayaa hawlwadeennada hayadaha CRD iyo FCA oo si hagarla’aan ah Guddiga uga caawiyey qaban qaabada kulankan farsamo ahaanna kacaawiyey.

BAAQ

Guddigu waxauu baaq u dirayaa dhammaan dadka uu quseeyo maamulka loo samaynayo gobolada Mudug iyo Galgaduud guddaha iyo dibaddba, in ay si dhab ah ugudiyaar-garoobaan shirweynaha Maamul-u-samaynta Gobolada Dhexe oo dhawaan sida ugu dhaqso badan u furmidoona.

Waxa si gaar ah guddigu ugu baaqayaa Odayaasha Dhaqanka ee Rasmiga ah iyo Masuuliyininta kala duwan ee deegaanku isu diyaariyaan sidii ay shirka uga sooqay bgali lahaayeen kaalinta ay kuleeyihiinna u gudan lahaayeen.

Baaq kaas la mid ah waxa Guddiga Farsamadu u dirayaan Dawladda Federaalka ah oo uu ugu horeeyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, in ay dar dargeliyaan sugidda amniga goobta shirku kadhacayo.
Waxaa kaloo baaq nabadeed u direynaa dhaman Dadka dega Gobolada Mudug iyo Gal-Gaduud gaar ahaan Shaqaaqadii ka dhacday Xarunta Gobalka Gal-gaduud,waxaana u soo jeedineynaa in xabada la joojiyo si dagdag ahna xal loo gaaro.

 

Puntlandes.com

About The Author