Xukuumada Dr Gaas oo ku guuldaraysatay in ay joojiso Dagaalada ka Holcaya G. Karkaar

Dagaal ayaa dib uga dhex bilowday Beelaha Cali Saleebaan iyo Ugaar Saleebaan Dagaal kaasoo sababay qasaaro badan. Xukuumada uu madaxweynaha ka yahay Cabdiwali Maxamed Cali Gaas way ku guuldaraysatay in ay ka qaybqaadato daminta ama joojinta dagaalkaas iyadoo ay tahay waajibaad Dastuuriya in ay ku soo dabaasho Puntland nabad iyo xasilooni.

Madaxweyne Dr Gaas waxa uu iminka ku sugan yahay Hotelada Raaxada ee magaalada Adis Ababa halka uu dhiig farabadan uu daadanayo, colaad xun oo saamayn ku yeelatayna Gobolka Karkaar ay ka taagan tahay halkaas.

Ma jirto wax iskuday ah oo dawlada Puntland qaaday iyadoo isku dayeysa in ay damiso dagaalkaas.

Puntlandes.com

About The Author