Dawlad goboleedyada oo xubno ku yeeshay Guddiga Dib u eegista Dastuurka sida ku cad Dastuurka Soomaaliya

08 April 2018 (Puntlandes) Guddoomiyaha Guddiga dib u eegista iyo la socodka arrimaha dastuurka Cabdi Xasan Cawaale (Qeybdiid) ayaa sheegay in sida ku cad Qodobka 133aad ee Dastuurka dalka waxay maanta ku dhawaa qeen in tiradii Guddiga ee markii hore lagu kordhiyay 6 xubnood oo ka socda Dawlad goboleedyada dalka ka jira.

Guddiga kumeel gaarka h ee did-u-eegista iyo la-socodka hirgelinta Dastuurka ayaa markii hore ka koobnaa 10 xubnood oo sida ku cad Qodobka 133aad kala ahaa min shan xubnood oo ka kala socday labada Aqalka ee Baarlaamnka JFS.

Guddiga ayaa wuxuu hadda ka koobnaan doonaa 16 xubnood oo mid hal xubin ay ka socoto dawlad Goboleedyada iyo 10 ka socda labada Aqal ee Baarlamaanka, wuxuuna hadda noqonayaa Guddigu mid dhamaystiran oo si wadajir ah ay uga wada shaqeyn doonaan arrimaha dib u eegista Dastuurka.

Akhriso qayb ka mid ah Qodobka 133aad ee Dastuurka dalka

20

About The Author