C/weli Muudey oo isugu yeeray Xildhibaanada kullan berri ah muxuu ku saabsan yahay?
08 April 2018 (Puntlandes) Guddoomiye kuxigeenka 1aad Cabdiweli Muudey ayaa qoraaleed fariin ah u diray Xildhibaanada Golaha Shacabka, kaasoo lagu wargelinayo Xildhibaanada in maalinta berri oo Isniin ah uu jiro kulanka Baarlamaanka ee ajandihiisa yahay Mooshinka ka yaalla Guddoomiye Jawaari.
Waxaa labadii cisho ee u dambeeyey socday waan waan mararka qaarkood aad la isugu soo dhawaanayey in xal uun la gaaro oo laga gudbo arintan cakiran, laakiin fariinta Muudeey ayaa u muuq ata mid muujinaysa in arintu wali cakiran tahay.
Xaggee ku dambaysay waanwaantii?
Waan waantaas oo kusoo biyo shubanaysay inuu xilka si iskiis ah u baneeyo Gudoomiye Jawaari ama is-casilo, warar lagu kalsoon yahay oo ay heshay Warbaahinta Puntlandes ayaa ah in dhanka Xukuumadda ay ku guuldaraysteen inay ku guulaystaan arintaas iyadoo uu diiday Jawaari.
Arinta Mooshinka ayaa hadda u muuqda in la doonayo in la horgeeyo Xildhibaanada Golaha Shacabka, si ay cod gacantaag ah xilka uga qaadaan Gudoomiye Jawaari taasoo qabsoomaysa maalinta berri ah.
Halkan hoose ka akhriso farriin qoraaleedka loo diray Xildhibaanada