Wasaaradda Amniga oo war ka soo saartay lacagtii faraha badneyd ee lagu qabtay Garoonka Muqdisho

09 April 2018 (Puntlandes) Wasaaradda Amniga Gudaha ayaa war saxaafadeed ka soo saartay lacag ku jiray illaa saddex boorso oo shalay lagu qabtay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde.

20a5a

War saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in lacagta la qabtay ay gaareysay 9,6 milyan, isla markaana ay socoto baaritaan ku aadan halka ay ka timid, meesha ay u socotay, cida wadatay iyo dantii laga lahaa.

Lacagta ayaa ku jirtay illaa saddex boorso, waxaana shalay la wareegay ciidamada ammaanka, iyadoo lacagta la geeyay Bankiga Dhexe.

Diyaaradda lacagta keentay ayaa ka timid dalka isu tagga Imaaraadka Carabta, waxaana xilligii la qabanayay ku sugnaa garoonka Diblomaasiyiin ka tirsan Imaaraadka Carabta oo uu ka mid ahaa Safiirka Imaaraadka Carabta ee Soomaaliya Maxamed Al Cusmaan.

Hoose ka akhriso qoraalka

20a6

Puntlandes.com

About The Author