GUDOOMIYE JAWAARI OO IS CASILAY
09 April 2018 (Puntlandes) Gudoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka JFS Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari oo todobaadyadii u d ambaysay ay socotay Khilaaf ka dhashay Mooshin ay ka keeneen qaar ka mid Xildhibaanda ayaa is casilay saaka.
Maalmihii u dambeeyey ayaa waxaa socday kulamo waqti badan qaatay oo dhexmaray Madaxweyne Farmaajo iyo Jawaari iyadoo ugu dambayn uu saaka is casilay.
Gudoomiye ku xigeenka Baarlamaanka Muudeey ayaa Baarlamaanka ka hor aqriyay Warqada is casilaada Ee Gudoomiye Jawaari, iyadoo uu Jawaari codsaday in maalinta Arbacada uu Baarlamaanka ka horjeediyo Qudbad.
Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa ka kala dareeray Fadhiga Baarlamaanka kadib is casilaada Jawaari.
Puntlandes.com