Dawlada Bahrain oo Xukumada Faderaalka Somaliya ku sifeeyey mid ka abaal dhacday UAE
Wasiirka ayaa qoraal kooban oo uu soo dhigay barta uu ku leeyahay Twitterka faahfaahiyey taageerada dhinac walba leh ee dawlada Imaaradka Carabtu la garab taagneyd Soomaaliya markii ay ku jirtay wakhtiga xun.
Wasiirka ayaa waxaa kale oo uu xusay shirarkii looga hadlaayey arimaha Burcad Badeedda Soomaaliya ee lagu qabtay imaaradka iyo dadaaladii lagula dagaalamaayey burcad badeedka iyo sidoo kale macaawinooyinkii maaliyadeed ee ay Dawlada Imaaradku u fidisay Somalia.
Xiisadda siyaasadeed u dhaxaysa Xukuumda Soomaaliya iyo Imaaradka Carabta ayaa u muuqda mid faraha ka sii baxaya hadana kusii socda mid aad wayn oo saamayn ku yeelan kara Soomaaliya.
Hoos ka akhri qoraalka Wasiirka
Puntlandes.com