Xeer Madaxweyne Lr. 54 May 2, 2018, kuna saabsan shaqo ka eryid.
Xeer Madaxweyne Lr. 54 May 2, 2018, kuna saabsan shaqo ka eryid.
Madaxweynaha Dawladda Puntland
Markuu Arkay: Dastuurka Dowladda Puntland.
Markuu Arkay: Baarista ka soo baxday guddiga baarista iyo soo bandhigista xogta musuqmaasuq iyo maamul xumo ee lagu magacaabay digreetada Madaxweyne MW/DPS/247/04/04/2018
Markuu Tixgeliyey: Talo soo jeedinta Guddiga
- Waxaa shaqadii laga eryey Madaxda iyo shaqaalaha hoos ku qoran:-
- Maxamuud Maxamed Cali (gabax)
Wasiir ku-xigeenka Wasaarada Kalluumaysiga iyo khayraadka badda
- Cali Xirsi Faarax Maxamuud
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda.
- Cabdulqaadir Xaaji Yuusuf Siciid Fay Agaasimaha waaxda maamulka ee Wasaarada kalluumaysiga iyo khayraadka badda.
- Maxamed Siciid Cartan (Balcad)
Agaasimaha waaxda Kalluumaysiga ee Wasaarada kalluumaysiga iyo khayraadka badda.
- Cabdicasiis Axmed Jaamac
Xiriiriyaha Gobolada ee Wasaarada kalluumaysiga iyo khayraadka badda
- Cabdi Salaad Maxamuud (Radoofe)
Fidiye Wasaarada kalluumaysiga iyo khayraadka badda.
- Casayr Yuusuf Maxamuud
Fidiye Wasaarada kalluumaysiga iyo khayraadka badda.
- Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynu, wuuna saxeexay madaxweynuhu
–DHAMMAAD-