Daawo Madaxweyne Gaas oo ka hadlay in dalka Soomaaliya Muqdisho kaliya ahayn loona baahan yahay in DFS u adeegtaa dalka oo dhan

05 Maj 2018 (Puntlandes) Madaxweynaha dawladda Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo ka jawaabay hadal uu horay u yiri oo ay dadka qaarkiis u fasirteen in Muqdisho aysan ahayn Soomaaliya ayaa sheegay in loo baahna yahay in DFS u adeegtaa dalka oo dhan.

30a4a1

Madaxweyne Gaas ayaa wuxuu sheegay in hadalkiisu uu ahaa “Muqdisho kaligeen Soomaaliya oo dhan ma aha, Soomaaliya oo dhamina Muqdisho kaligeed ma aha”, dalkuna uu Faderaal yahay ayna tahay dawlada faderaalku inay u adeegto dalka dhan.

Gaas ayaa yiri “micnaha kusii jiraa waxa uu yahay dalku waa balaaran waa Faderaal, wax kasta oo deeq caalami ah oo yimaada, Gaadiid baa imaanya, Dhaqaale ayaa imaanaya, Horumar ayaa imaanaya, Mashaariic ayaa imaanaysa haddii la yiraahdo wax walba Muqdisho, Soomaalida sidii la isu hayn lahaa dhib bay noqonaysaawaxaa loo baahan yahay in dalka dhamaantiis loo adeego oo aan lagu mashquulin Caasimadda kaliya..taasina waa waxyaalihii dalku ku burburay waana in la fahmaa dalku faderaal yahay mas’uuliyadda la wadaago, awoodana la w adaago”

Daawo Madaxweyne Gaas oo ka hadlaya in Muqdisho kaligeed aysan Soomaaliya ahayn


Dhagayso shirkii jaraa’id ee madaxweynaha oo dhamaystiran uuna uga hadlay waxyaalo daban oo Xasaasi ah


Puntlandes.com

About The Author