Sawirro: Madaxweyne Axmed Madoobe oo Xabsiga ku booqday C/kariim Qali-Dhagax
06 Maj 2018 (Puntlandes) Madaxweynaha Jubaland mudane Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa dawladda Itoobiya waxay la kulansiisay Cabdikariin Sheekh Muuse Qalbi-Dhagax oo dowladda Federaalka Soomaaliya u gacan gelisay dawladda Itoobiya sanadkii 2017, isagoo ku xirnaa xabsi ku yaal dalkaas.
Axmed Madoobe oo dhawaan la kulmay Ra’iisul Wasaaraha cusub ee Itoobiya Abiy Axmed ayaa ka codsaday in lasii daayo Qalbi-Dhagax, wuxuuna damaanad qaaday inuusan dib ugu laaban doonin ONLF.
Axmed Madoobe ayaa ku booqday Qalbi-Dhagax halka uu ku xiran yahay, lamana yaqaan meesha ay tahay laakiin waxaa sawirka ka dhex muuqda Qalbi-Dhagax oo dhoola cadaynaya iyo Axmed Madoobe.
Puntlandes.com