Daawo RW Khayre oo sheegay in EU ugu deeqday Somalia 215 milyan (Akhriso warsaxaafadeedkii EU oo aysan ka muuqan)
06 Maj 2018 (Puntlandes) Ra’iisul Wasaaraha Somalia mudane Xassan Cali Kheyre oo ka warbixiyay safarkii Brussels iyo natiiijooyinkii kasoo baxay kulamadii uu la qaatay madaxdii kala duwaneyd iyo shirkii looga hadlayay amniga dalka. Waxuuna sheegay in ay wada galeen dhowr heshiis oo muhiim u ah dawladda Soomaaliya iyo Midawga Yurub.
Xasan Kheyre ayaa tilmaamay in Midawga Yurub ay kula heshiiyeen in ay ku kaalmeeyaan dawladda Soomaaliya €100 milyan oo Euro oo miisaaniyadda dalka lagu kabayo, taas oo si toos ah loogu shubayo qasnadda Bangiga dhexe ee Soomaaliya, sidoo kale midowga Yurub ayaa balan qaaday in €80 Milyan oo Yuuro ay ku bixin doonaan qorshaha aminga iyo kala guurka ciidmada dawladda.
Hoos ka akhriso qaybta ay EU kusoo qaaday lacagtaas
Ugu dambeyn, Ra’iisul Wasaaraha Somalia ayaa sheegay in la isla gartay in Midawga Yurub qabto bisha June ee soo socota shirkii sanad laha ahaa ee lagu taageeri jiray Soomaaliya laguna magacaabo Somalia Partnership Forum (SPF), kaasoo sadexdii sano ee u dambaysay lagu qaban jiray magaalada Muqdisaho gaar ahaan Xerada Xalene lamana yaqaan sababta sanadkaan loogu qabanayo magaalada Brussels ee dalka Belgium ilsa markaasna ah xarunta Midawga Yurub.
Daawo shirkii jaraa’id ee RW Khayre
Puntlandes.com