Golaha Shacabka oo ansixiyey Xeer lagu aasaasay Midowga Afrika ee Barlamanka Midowga Afrika

07 May 2018 (Puntlandes) Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa maanta ansixiyey  Habmaamuuska Xeerka lagu aasaasey Midowga Afrika ee quseeya Midowga Baarlamaanada Afrika.

94a

Xeerka ayaa Markii cod loo qaaday waxa ogolaatay 141 Xildhibaan halka ay 3 ka aamuseen.

Guddoomiyaha cusub ee Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa markii u horeysay shir guddoomiyey kulankii maanta ee lagu ansixiyey Xeerkan isagoo noqonaya shirkii ugu horeeye y ee uu guddomiyo.

Puntlandes.com

About The Author