Daawo Video: Madaxweyne Gaas oo ka Hadlay dib u eegistaDastuurka, Faderaalaynta, Qaybsiga Deeqaha & awooda
08 May 2018 (Puntlandes) Madaxweynaha Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta ka Hadlay Dastuurka Soomaaliya ee dib eegista lagu saamaynayo.
Madaxweyne Gaas oo ka hadlayey shir looga hadlayo dib u eegista dastuurka KMG ee Soomaaliya ayaa ka hadlay arimaha dalka, dastuurka iyo federalka.
Madaxweynaha ayaa ku dheeraaday ka hadlida nooca Dastuur ee la doonayo inuu dalku yeesho, wuxuuna ku dheeraaday dastuurka KMG ah iyo Marxaladihii uu soo maray.
Dhanka kale Dr Gaas ayaa ka haday qaybsiga Deeqaha magaca Soomaaliya lagu soo helo isagoo tusaale u soo qaatay 200 milyan oo ay dawladda Qadar ugu deeqday Soomaaliya taasoo aan waxna laga waydiin Puntland lagana siin ayna sheegtay DFS inay ku maalgelinayso Jawhar iyo Xamar dhexdooda.
Daawo khudbadii madaxweynaha Puntland
Puntlandes.com