Khilaafka ay abuurto Xukuumadda federaalka ah oo caqabad ku noqdey hawlihii loo igmadey – FAALLO
Xukuumada Federaalka Soomaaliya oo ay hada hogaamiyaan Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo Raysalwasaare Xassan Cali Khayre ayaa hada galay sanadkoodii labaad iyagoo kasoo baxay xiisado iyo khilaaf siyaasadeed haddana u muuqato in ay kuwo cusub lugaha lasii galayaan.
Doorashadii Madaxweyne Farmaajo ee sanad kahor ayaa ahayd mid ay shacabka Soomaaliyeed si wadajir ah u soo dhaweeyeen, waxayna in badan oo kamid ah ummada Soomaaliyeed doonayeen inaysan xilka kusoo noqon xisbigii Damuljadiid ee Xasan Shiikh Maxamuud oo lagu eedeenayey arrimo badan oo ay kamid ahaayeen musuq maasuq iyo xukun maroorsi fadhiid ka dhigay Dowlada Federaalka.
Haddaba waxaa la is weydiinayaa maxaa iska bedalay hawlihii waaweynaa ee dowlada Federaalka horyaalay?
Waa hubaal in Xukuumada Raysalwasaare Xasan Cali Khayre ay wax badan qabatay, sida maxaabiis dibada ku xirnaa oo dalka dib loo keenay, kor u qaadida dakhliga Dowaldda, dadaalkii xasilinta Muqdisho oo aan weli si dhameystiran loogu guuleysan iyo hadalo wanaagsan & qorshayaal ay xukuumada sheegtay inay hirgelin doonto, balanqaadyadaasi badan oo ay shacabka ka war sugayaan.
Hase yeeshee Qodobada ugu waaweyn ee dowlada horyaalay ayaa waxaa kamid ahaa:
- La dagaalanka Al Shabaab iyo gacanta dowaldda oo lagu soo celiyo dhulka al-Shabaab ka taliyaan.
- Dib u habeynta Dastuurka & Sharcuuda Federaalka iyo awood qeybsiga maamulada.
- Dib u habeynta Garsoorka & Dhismaha Maxkamada Dastuurka
- Diiwaangelinta Shacabka iyo Aftida Dadweyne ee Dastuurka
- Diyaarinta Doorashooyinka 2021 ee hal qof iyo hal cod
Qodobadan ayaa ah kuwo kamid ah kuwa waaweyn ee dowlada laga doonayey inay xoogga saarto, haba ugu horeyso la dagaalanka Al Shabaab oo hadda u muuqata inay ku sii xoogeysaneyso qeybo kamid ah koonfurta Soomaaliya.
Inkastoo Madaxweyne Farmaajo iyo Raysalwasaare Khayre ay ballan qaadeen inay duullaan weyn ku qaadi doonaan Al Shabaab kadib weerarkii Zoobe ee 14kii Oktoober 2017 oo laga joogo 7 bilood, ayaa hadana weli shacabka sugayaan duulaankaasi.
Marka laga yimaado jawaab ka bixinta weerarkii Zoobe, khubarada amniga ayaa sheegaya in kooxda Al Shabaab ay is-abaabul xoogan ka wado qaar kamid ah gobalada Koonfureed isla markaana dooneyso inay dhaq-dhaqaaqyo cusub ka sameeyaan deegaanada ku dhaw caasimada Muqdisho, iyadoo uu hakad ku yimid dhaq-dhaqaaqii ciidamada dowlada & AMISOM ka wadeen gobalada Shabeelada Hoose iyo Dhexe.
Dastuurka dhameystirkiisa ayaa su’ aalo badan ka taagan yihiin, iyadoo bishan Maajo 2018 la filayo in shirweyne lagu qabto Muqdisho, waxaase muuqata in Maamul gobaleedyada iyo Wasaarada Dastuurka si weyn isugu khilaafsan yihiin qodobo muhiim ah.
Dib u habeynta Garsoorka iyo Maxkamada Dastuuriga ah ayaan iyaguna wax horumar ah laga gaarin, halka hada shaki la gelinayo in dalka ay ka dhici doonto doorashadii hal qof iyo hal cod, sanadka 2021.
KHILAAF AAN DHAMAAD LAHAYN
Hoggaanka Xukuumada Federaalka Marka laga reebo Madaxweyne Farmaajo ayaa intooda badan yihiin kuwii ka haray xukuumadii Damuljadiid ee dalka kasoo talinayey tan iyo 2012.
Inkastoo Madaxweyne Xasan Shiikh iyo Faarax Cabdulqaadir ka dhex baxeen sawirka guud ee siyaasada Soomaaliya haddana raggii ay siyaasada kusoo dareen sida Raysalwasaare Khayre iyo Fahad Xaaji Yassin (Agaasimaha Guud ee Villa Muqdisho) ayaa ah kuwa hadda majaraha u haya siyaasadda ay ku shaqeenayso xukuumada Federaalka.
Raggan ayaa khibradda ay ka kororsadeen xiligii Dowladii Xassan Shiikh Maxamuud ay ahayd in qorshayaashoodii ay la damacsanaayeen dalka ay caqabado ku noqdeen labo arrin oo kala ah Nidaamka Federaalka iyo Awooda Maamul gobaleedyada, fikirkaasi oo ah midka keenay inay wakhtigooda badan geliyaan la dagaalanka maamul gobaleedyada dalka jira.
Kadib markii lagu guuleysan waayey burburinta maamulada dalka ayey hadda aaminsan yihiin wadada kaliya ay ku xalin karaan caqabadan ay tahay inay iyagu bedalaan madaxda oo ay ku badaal kuwo iyaga daacad u ah, iyagoo aan qorshahooda ku darsan [Rabitaanka] shacabka dhistay maamuladaasi.
Xukuumada Federaalka ayaa Sanadkii 2017 inteeda badan ku dhameysatay khilaaf ay kula jirtay Maamul gobaleedyada, iyadoo wakhti iyo dhaqaale badan gelisay sidii loo ridi lahaa madaxda maamulada Hirshabeele iyo Galmudug. Sanadkan 2018 ayey isu diyaarineysaa inay wakhti badan geliso bedalida Madaxda Jubaland iyo K/Galbeed.
KHILAAFKA DALALKA KHALIIJKA
Xiisadii horey u dhaxeysay Maamulada Gobalada iyo Villa Muqdisho ayaa waxaa sii hurisay khilaafka dalalka Khaliijka.
Madaxda Federaalka oo iyagu sheegtay inay dhex dhexaad ka yihiin khilaafka khaliijka ayaa si toos ah ula saftay Dowlada Qatar oo la sheego inay dhaqaale baaxadleh ku bixisay xukuumadihii ka dhashay doorashooyinkii 2012 & 2017.
Xubnihii ka haray Damuljadiid ee aaminsan in la wiiqiyo awooda maamul gobaleedka ayaa u arkay in Imaaraatiga yahay awooda dhaqaale oo ay ku xiran yihiin maamul gobaleedka gaar ahaan Puntland oo ah maamulka ugu weyn ee Federaalka, isla markaana bilaabay dhaq-dhaqaaqa ka dhan ah Imaaraatiga, iyagoo arrintana u adeegsaday heshiiskii dekadDa Berbera oo ay horey wax uga ogaayeen iyo waliba lacagtii bil walba imaaraatiga keeni jiray Muqdisho.
Imaaraatiga oo laftiisa Xukuumada Federaalka ka taageeri jiray dhanka Ciidamada Militariga, ayey haddana xubnaha ay kamid yihiin Fahad Yasin iyo Raysalwasaare Khayre is tuseen in taageeradaasi ay uga muhiimsan tahay cadaadinta maamulada gaar ahaan Puntland oo ay u yaqaanaan “Kurdistanta Soomaaliya“.
Villa Muqdisho ayaa ku tashaneysa wixii taageero ah oo ay heli jireen Imaaraatiga inay ka kabi doonaan Doha iyo Turkiga, balse Maamul gobaleedyada aysan heysan illo dhaqaale oo kale oo ka kabi karta burburinta taageerada imaaraatiga ka heli jireen.
Raysalwasaare Khayre iyo xukuumadiisa ayaa ku guuleystay qorshihii ahaa in Guddoonka Baarlamaanka ay la wareegaan, xili ay isu diyaarinayaan ololaha cusub oo ka dhan ah maamul gobaleedka iyo khilaafka cusub oo ay hada lugaha lasii galayaan.
Maamul gobaleedka oo iyagu dhistay Gole Iskaashi dhamaadkii sanadkii tagay, ayaa iyaguna dhankooda isu diyaarinaya sidii ay isaga difaaci lahaayeen ololaha ka socda Muqdisho, xiisadan oo hubaal ah inay sii fogeyn doonto rajadii laga qabay xoojinta midnimada iyo dowladnimada Soomaaliyeed.
Xigasho: Horseed Media