Madaxweynaha DFS oo ku wajahan Qadar (Ujeedada)
13 May 2018 (Puntlandes) Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo iyo wafdi uu hogaaminaayo ayaa saakay ku wajahan Magaaladda Doha ee dalka Qadar.
Wafdiga Madaxweynaha waxaa ka ah Wasiiro iyo XIldhibaano ka Tirsan Baarlamaanka,waxayna dalkaas ku tagi doonaan booqasho labo maalin qaadan doonta.
Madaxweyne Farmaajo oo booqasho rasmi aku tagi doona Magaaladda Doha ayaa wuxuu kula kulmi doona Amiirka dalkaas Sheikh Tamim bin Hamad al-Thani,waxayna kawada hadli doonaa xiriirka Soomaaliya iyo Qadar, iyo sidii loo fulin lahaa Mashaariic Dowladda Qadar ay balanqaaday sanadkii hore.
Booqashada Madaxweyne Farmaajo oo ah tii labaad ee uu ku tago dalkaas tan iyo intii la doortey ayaa sida wararka lagu helayo diirada saaraya sii xoojinta xiriirka u dhexeeya dawladiisa iyo Qadar.
Safarka Madaxweynaha Soomaaliya ayaa waxaa kaga sii horeeya dalkaas Agaasimaha guud ee Madaxtooyada Fahad Yaasiin kaasoo xiriir dhow la leh Qadar, isagoo u gogol xaarayey booqashada
Farmaajo.
Sida aan wararka ku heleyno Madaxweyne Farmajo ayaa dalkaas ka helay balnqaadyo lacageed oo ay dowlada Qadar ugu deeqeyso Villa Soomaaliya oo ay xiriir dhow leeyihiin, iyadoo ay Q adar balan qaaday inay buuxin doonto kaalin Imaaraadku baneeyeen.
Waxay kaloo Qadar ku soo wareejin doontaa Madaxweyne Farmaajo iyo Fahad Yaasiin lacago tir o loogu talagaley in lagula dagaalamo siyasiyiinta iyo Dawlad Goboleedyada kasoo horjeeda in la xumaado xiriirka ka dhexeeya Imaaraadka iyo Soomaaliya.
Booqashada Farmaajo ee Qadar ayaa ku soo aadaysa xilli uu heerkii ugu hooseeyay marayo xiriirka u dhexeeya Villa Somalia iyo Imaaraadka.
Dowlada uu hogaamiyo Madaxweyne Farmaajo ayaa horey u sheegetey iney dhexdhexaad ka tahay khilaafka Khaliijka ayaa waxay u janjeersadeen dalka Qadar, iyagoo eeganaya danahooda goonida ah aanna dan ka lahayn tan guud ee Soomaaliya
Puntlandes