Daawo Video: Ku simaha Madaxweynaha oo si rasmi ah u daah furay Shirweynaha Qaran ee Dastuurka (Sawirro)

13 May 2018 (Puntlandes) Kusimaha Madaxweynaha ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa maanta si rasmi u daah furay shirweynaha Qaran ee geeddi-socodka dib u eegista Dastuurka, kaasoo socon doona illaa 15-ka bishan.

Shirkan oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Arrimaha dastuurka iyo Guddiyada Dastuurka ee labada Aqal ayaa waxaa ka soo qeyb galay Guddoomiyaha Aqalka sare Cabdi Xaashi cabdullaahi, Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre, Guddoomiyeyaasha Baarlamaanada dowlad goboleedyada qaar, Wasiirada arrimaha dastuurka ee dowlad goboleedyada iyo 300 oo ergooyin ka kala yimid dalka gudihiisa iyo dibaddiisa.

Inta uu socdo shirkan ayaa waxaa si gaar ah diiradda lagu saari doonaan dib u eegista iyo turxaan bixinta Dastuurka KMG, iyadoo ay doodo adag ka yeelan doonaan ka qeyb galayaasha qodobada dastuurka ee u baahan qabyo tirka.

Dowladda Federaalka ayaa laga sugayaa in sanadkan ay dhameystirto qabyo-tirka Dastuurka, isla markaana dastuurka noqdo mid loo dhan yahay oo ugu dambeyn loo qaado afti dadweyne.
Daawo muuqaal munaasabadda

32b3a

32b4

32b4a

32b4a1

32b4a2

32b4a3
Puntlandes.com

About The Author