Daawo Video: Madaxweyne Muuse Biixi & Ergayga Qaramada Midoobay U Qaabilsan Somalia oo ka wadhadlay Colaada Tukaraq (Sawirro)

13 May 2018 (Puntlandes) Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta kulan la yeeshay ergayga gaarka ah ee xog-hayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Mr Michael Keating.

Kulankan uu madaxweyne Muuse Biixi la qaatay danjire Michael Keating, ayaa waxa ku wehelinayey, madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), guddoomiyeyaasha Guurtida iyo Wakiillada, Mudane Saleebaan Maxamuud Aadan iyo Baashe Maxamed Faarax iyo wasiirka arrimaha dibadda, Mudane Sacad Cali Shire, waxaana lagaga wada-hadlay arrimo ay ugu muhiimsanayd colaada ka aloosan deegaanka Tukaraq oo 8dii janaayo Somaliland ka qabsatay Puntland.

Kulankan ayaa dabasocday kullan uu Mr Keating shalay Garowe kula yeeshay madaxweynaha dawladda Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo ay uga wadahadleen colaada Tukaraq.

Keating oo saxaafadda kula hadlay Madaxtooyadda Somaliland ayaa  sheegay in kullanka looga hadlay colaada Tukaraq iyo sidii xal looga gaari lahaa isagoo sii  raacshay inuu ka walwalsan yahay dhibaatada ka imaanaysa colaad halkaas ka dhacda.

Keating oo wax laga waydiiyey waxa kasoo baxay wada  hadalkooda waa uu ka gaabsaday inuu ka jawaabo s u’aashaas.

Daawo Muuqaalka shoirkii jaraa’id ee Keating

32b4a4 - kopia

32b5

32b5a - kopia

32b5a1 - kopia

32b5a2 - kopia

32b5a3 - kopia

32b5a4

32b5a5
Puntlandes.com

About The Author