Madaxweyne Gaas oo Garow e kusoo laabtay kuna dhawaaqay dagaal daba dheeraada oo Puntland uga xoraynayso Somaliland dhulka ay ka haysato
17 May 2018 (Puntlandes) Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cai Gaas ayaa dib ugu soo laabtay Caasimada Puntland ee Garowe, wuxuuna u hanbalyayeey Ciidamada Difaaca Puntland ee jabka u gaystay Ciidanka Somalilnd ee weerarka ku ah Puntland.
Madaxweynaha ayaa wuxuuna u sheegay inuu Muuse Biixi Eedi doono dagaalka uu wado, wuxuuna ugu baaqay Madaxweynuhu shacabka Puntland gudo iyo dibad-ba in loo diyaar garoobo dagaal daba-dheeraada oo socda ilaal inta ay sharatooda iyo karaamadooda soo ceshanayaan.
Madaxweynuhu wuxuu u sheegay shacbka inaan la huri doonin dagaal, sidaa darteed in laga raadiyo xalka kuwa leh Ingiriis ayaa dhul nasiiyay.
Dhanka kale Madaxweynuhu wuxuu cadeeyay in dhamaan laga xoreyn doono dhulka ay joogaan Gooni goosatadu dagaalkuna wuu socon doonaa ilaa dhulka Puntland dhamaantii laga xoraynayo Somaliland.
Puntlandes.com