Dhagayso: Gud. Lascano ee Puntland oo sheegay inay ka xoreenayaan Somaliland dhulka ay haysato oo dhan
17 May 2018 (Puntlandes) Gudoomiyaha Degmada Laascaano ee Puntland Abdiqani Makhtal Maxamed ayaa markii ugu horaysay ka hadlay dagaalkii doraad ka dhex bilowday Ciidanka Puntland iyo kuwa Somaliland.
Gudoomiyaha ayaa wuxuu sheegay in khasaaro baahsan ay gaarsiiyeen Somaliland, isagoo sii raacshay inay diyaar u yihiin mid culus oo ay kaga xoreeyaan deegamada Soool iyo Sanaag ee ay qabsadeen Somaliland.
Abdiqani Makhtal wuxuu sheegay in dagaalku uusan joogsan doonin ilaa uu gaaro Gaatama, wuxuuna shacabka Laascaano u sheegay in laga qaadayo cabudhinta saaran.
Dhagayso Gudoomiyaha
Puntlandes.com