Sawirro: Madaxweynaha Jubaland oo Kismayo kusoo noqday una digay madaxda DFS

17 May 2018 (Puntlandes) Madaxweynah JUbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta oo Khamiis ah dib ugu soo laabtay Magaalada kismaayo ee Caasimada KMG ah ee Jubbaland kadib howlo shaqo oo maalmahii lasoo dhaafay uu ku joogay Magaalada Baydhabo ee Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa sheegay in shirkaasi uu guul kusoo dhamaaday isla markana uu lahaa muhiimad gaar ah oo ahayd dhamaystirka madasha Dowlad Goboleedyada dalka oo ahayd arin Dastuuri ah.

Madaxweynahu wuxuu intaas ku daray in ay Dowlada Federaalka ah ku dhiiri galiyeen in ay kasoo baxdo heshiisyadii la xiriiray hananka dhismaha Amniga Qaranka oo xoraynta wadanka iyo sugida amnigiisa muhiim u ah.

Mudane Axmed Maxamed Islaam wuxuu sheegay in Dowladahii dalka soo maray burburka kadib mid walba ay meel soo gaarsiisay dalka balse ay jirto hal meel oo u baahan in wax laga badalo oo ah in wakhtiga la isaga dhumiyo sidii mar kale kursiga loogu soo noqon lahaa

Dowladii Madaxweyne Xasan Sheekh ayuu Madaxweynahu sheegay in labadii sano ee ugu horaysay ay dagaalka dowlad Goboleedyada kaga khasaartay Dowlada maantana ay wadadii hayso.

Howlo kale oo dalka muhiim u ah ayuu Madaxweynahu sheegay in ay jiraan oo ay tahay in iyaga ahmiyad lasiiyo halkii khilaaf iyo xasarad siyaasadeed loo adeegsan lahaa dhaqaalaha Qaranka iyo wakhtiga.

Waxaa uu Madaxweynahu sidoo kale Dowlada Federaalka uga digay in khilaafka Khaliijka oo Soomaaliya looso minguuriya ay tahay musiibo aan waligeed laga soo kaban karin loona baahan yahay in Dowladu ay raacdo hanaan dhexdhexaad ah oo aan ahayn midka maanta ee dhinac lagula saftay ama halka danta umadu ku jirto dibna loo raaco xiriirka qotada dheer ee Sucuudiga iyo Imaaradka Qarniyo badan nalaga dhexeeyay oo aan ahayn wax si sahal ah lagu inkiri karo.

gabagabadii Madaxweynahu wuxuu ugu baaqay dadweynaha ree Jubbaland in midnimadooda ay adkeeyaan oo aan looga faa’iidaysan xasaradaha iyo qalalaasaha maanta jira isagoo intaas ku daray in qofkii wax tabanaya ay soo dhawaynayaan isla markana wixii Siyaasad ku tartamaya oo Mucaarad ah ay gacmo furan kusoo dhawaynayaan loona ogolyahay in ay Dowlad Goboleedka dhaliilaan oo ay figrad ahaan ku toosiyaan mucaaradnimo wax dhisaysa.

Waxaa uu Madaxweynahu sheegay in wadadii wada hadalka iyo dib u heshiisintu ay wali furan tahay balse aan la aqbali karin shirar iyo fadqalalo meelo kale laga soo ababulo oo aan umada wax dan ah aanay ugu jirin.

11

12

13
Puntlandes.com

About The Author