Daawo Video: Waxgaradka Badhan oo ku baaqay in la iska difaaco Somaliland (Warbixin)

26 May 2018 (Puntlandes) Magaaladda Badhan ee xarunta gobalka Sanaag ayaa maanta waxaa ka dhacay kullan ballaaran oo lagu tageeray dadaalka Dowladda Puntland ugu jirto dib u xoreynta Gobalka Sool.

34b10

Kullanka ayaa waxaa kasoo qayb galay maamulka heer Gobol iyo Degmo odoyaal dhaqameedyo, ururada dhalinyarada iyo haweenka, qurbojoog iyo qaybaha kala duwan ee bulshada, waxayna ka qaybgalayaashu sheegeen inay muruq iyo maalba la garab taagan yihiin Ciidanka Difaaca dawladda Puntland.

Qaar kamid ah waxgaradka ayaa sheegay in ka odayaal ahaan ay mar walba garab taaganyhiin Ciidamadda Difaaca Dowladda Puntland.

Mid ka mid ah waxgaradkii ka hadlay kullanka ayaa sheegay in dad gooni ah ay ku doodaan in Ingiriis dalka siiyey  ”soomaaliyina Ingiriis way ka wayn tahay dalkana iyadaa leh ” ayuu yiri

Dhamaan ka qayb galbgalayaasha ayaa taageero xoogan u muujiyey Ciid anka Difaaca dawladda Puntland iyo Qorshaha ay dawladdu ay dib ugu xoraynayso dalka, waxayna ku amaaneen madaxweynaha Puntland qorshahaas.

Muuse Biixi ayaa loogu baaqay inuu Ciidamadiisa kala baxo dhulka Puntland haddii kale la iska dhicin doono, iyadoo RIYO BEEN AH lagu tilmaamay qorshaha Muuse Biixi.

Dawo muuqaalka Kullanka

Ountlandes.com

About The Author