TVga Puntland kama danbayn Wariye Timirre (Warbixin)

26 May 2018 (Puntlandes) Maxamed Cabdi wali Noor Timirre waa nin dhalinyaro ah waxkubartey Gudaha Puntland sidoo kale waa mu’waadin Puntland waxaa uu mihnada saxafada kusoo jirey 2007-sanadkaan2018 waxaa u bartey culuumta Cilmiga Saxafada Online iyo waliba Short Courses.

34c2

Wariye Timirre waxa uu ahaa ragi dhidibada utaagay TVga Puntland,waxa uu ahaa wariyaha kaliya ee isaga oo Soomaaliya ka maqan si codsi ah loogu yeerey in uu uyimaado shaqadada TVga dowladda Puntland.

Mr Timirre waxa uu TVga Puntland kasoo qabtey xilal kala duwan oo ay kamid yihiin Madaxda ugu horeeyey ee Wararka,Madaxa Barnaamijyada,Madaxa Shaqada iyo Shaqaalaha iyo Tafitiraha guud ee PLTV.

Umadda Puntland wariyahan waxa ay u aqoonsan yihiin in uu yahay Mujaahid,Halyeey aamisan kuna faana Puntland,Waxaa uu ahaa wariyaha kaliya ee looga danbeeyo diyaarinta Barnaamijyada la xiriira Waxqabadka dowladda iyo xaalada gaarka ah.

Timirre waxa kaalin mugleh oo ilaa hada dhaha shacabka ka guuxaysa doorkiisi ku aadana dagaalki ka dhacay Puntland March 2016 xiligaas oo ay Alshabaab soo weerartey Puntland.

Inta badan xiligaas wariyaasha Puntland waa ay ka gaabsadeen dagaalki Alshabaab sababo la xiriira iyaga oo naftooda la baqay balse Wariye Timirre Naftiisa waxaa uga muhiimsanaa Difaaca dalkiisa iyo Dadkiisa.

Maanta Puntland waxa ay dagaal kula jirtaa Maamulka Hargaysa oo duulan ku ah dhulka iyo dadka Puntland,.Maamulka warbaahinta dowladda Puntland ee PLTV waxa ay uu noqdey kuwo gabay doorkoodi difaaca dalka.

Timirre waxa uu TVga Puntland ka maqan yahay mudo 5 bilood ah kadib marki usoo dhameeyey Barnaamijka Waxqabadka xukuumada ee 4 sano ee lasoo dhaafay.

Sababaha ugu wayn ee Wariye Timirre u ogaansadey in uu uga tago TVga waxaa la isheegay in ay tahay Maamul xumo iyo sidoo kale iyada oo aysan jirin hannaan iyo kala danbayn masuuliyadeed ee PLTV sidoo kalana TVga aan loo ogolayn in ay ka shaqeeyaan raga iyo dumarka aqoonta buuxda uleh saxafada taas macnaheedu maaha in shaqaalaha hada jooga ay yihiin kuwo aan lahayn Xirfad.

Maanta umada Puntland dal iyo dibadba waxa ay tabeen dhiirigalinti iyo isku xirkii Shacabka iyo Ciidamada ee Wariye Timirre iyo sidoo kale hadaladiisi argagaxa ku abuurijirey Cadowga Puntland.

Hadaba hadalka oo kooban maadama TVga Puntland uusan ka danbayn Wariye Timirre,maanta sow ma haboona in aan udhiibno Hogaanka TVga Puntland Maxamed Cabdiwali Noor Timirre si uu dalkiisa iyo dadkiisa ugu adeego.

Codkaaga ugu Hiili Muwaadin Wariyihii ku hiilin jirey mar walba si uu maanta u noqdo Agaasimaha TVga.

Puntlandes.com

 

 

 

About The Author