Xaaf oo ku eedeeyey in DFS ka dambayso khilaafka Madaxda Galmudug & Digniin adag oo uu diray

27 May 2018 (Puntlandes) Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Geele Ducaale Xaaf oo saxaafada kula hadlayey Magalada Dhuusamareeb ee Xarunta Maamulkaas ayaa sheegay in Dowlada Faderaalka Soomaaliya ay ku heyso maamulkiisa faragalin xad dhaaf ah.

34c7

Xaaf ayaa waxa uu sheegay in Khilaafyada ka dhex jira Madaxda Galmudug ay kaalin weyn ka qaadatay DFS oo uu tilmaamay inay kala kulmayaan caqabado badan.

Xaaf ayaa sidoo kale waxa uu tilmaamay in DFS ay ku dhaliilayaan hanaanka ay u wajaheyso Khilaafka, waxa uuna meesha ka saaray inay ka maarmikaraan dhex dhexaadin Dowladeed.

Maamulka Galmudug ayuu sheegay inaanu xiligaan qabin dhibaato buuran, hase ahaatee uu dalbanaayo in dowlada ay ka joojiso faragalinta, sida uu hadalka u dhigay.

Mar uu ka hadlaayay bilowga Khilaafka ayuu cadeeyay in Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya uu ka meermeeray inuu kusoo baxo Khilaafka hase ahaatee ay garteen inay ka maarmaan xalinta Wasiirka Arrimaha Gudaha Somalia.

Xaaf, waxa uu sheegay inuu isku dayay in Wasiirka Arrimaha Gudaha Somalia uu kala hadlayo khilaafka yar yare ee soo kala dhexgalay balse uu ku soo laaban waayay sidaasna ay xamar uga soo.

‘’Waxaa arrintaan u sabab ah dowlada Soomaaliya oo aan iska xilsaarin bilowga Khilaafka, waxaan cadeyneynaa in dowladu ay nagu heyso faragalin Wasiirka arrimaha gudahana waxaan uga digeynaa inuu nagu sii hayo faragalinta’’

“Galmudug weli waa sideedii oo wax dhibaato ah kama dhex jiraan laakin hadalka Wasiirka Arrimaha gudaha Somalia uu yiri waa mid faragelin toos ah ee haka daayo’’

‘’Ka maamul ahaan horay ayaan dowladda uga dalbanay in maamul goboleedayda ay ka deyso faragelinta, balse wey iska indha tireysaa dowlada’’ayuu yiri Xaaf

Sidoo kale, Xaaf ayaa sheegay in faragalin kaga imaadaa Dowlada Somalia ay uga dhigan tahay in dowladu ay sii kala fogeyneyso madaxda maamulka.

Si kastaba ha ahatee, Xaaf waxa uu ugu baaqay ku-xigeenkiisa iyo Guddoomiyaha barlamaanka Galmudug ee Cadaado ku sugan in ay soo dhaweeynayaan,isla markaana ay ka xalinayaan waxwalba oo ay ka tabanayaan.

Puntlandes.com

About The Author