Maqaal: Dagaalka Tuka-raq maxaa lagu daweyn karaa?

Waxaa maalmo guduhood dagaal faraha laysaga gubtey laba jeer ku dhexmaray maamaulada Puntland iyo Somaliland deegaanka Tuka-raq ee gobolka sool. Hadaba maxaa asal u ah dagaaladaas maxaase lagu xalin karaa?

Labada maamul oo dagaalku u dhexeeyo waxaa mid walbaa sheeganayaa lahaanshaha deegaankas hadaba bal aynu yare dib u milicsano halka ay salka ku hayso sheegashada labada dhinac.

Hadaan ku hormaro reer Puntland waxay ku an dacoonayaan sool, bariga sanaag iyo cayn (SSC) inay katirsan yihiin Puntland maadaama ay wax ka dhisteen maamulkaas markii dhidabada loo taageyey. Sheegashada Puntland ee gobolda SSC kuma qotonto isir sida dadka qaarkiis u dhigaan iyo tixraac taariikheed toona laakiin waxay ku qotontaa maamul lawada dhistay. Waxaana taas u markhaatiya hadii dadka (SSC) ay maanta go’aan sadaan inay Puntland ka baxaan majirto cid oranaysa nagama go’i kartaan oo anaga ayaad naga tirsan tihiin maadaama dhismaha maamulkuba kuyimi wax isku darsi iyo wada ogol laakiin aanu ku iman xoog iyo jajuub.

Reer Soomaaliland waxay iyaguna aaminsan yihiin in deeganda (SSC) ay hoosyimaadaan maamulkooda maadaama ay ku yaalaan dhulkii ingriisku gumaysan jirey Somalilandna ay xaq u leedahay aayakatalinta xuduudii ingiriiska. Hadaba bal aynu taariikhda dib u milicsano sida ay kutimi imaatinkii ingiriiska ee dhulkii Soomaalida oo markii dame loo yiqiin “British protectorate” ama maxmiyadii ingiriiska.

Ingriisku markiisii hore dhulkaan kuma iman si xooga laakiin wuxuu kuyimi heshiis uu la galay hogaankii dhaqanka ee lix qabiil oo kamida qabaa’ilkii soomaalida ee deganaa gobolada wooqooyiga. Lixda qabiil waxay kala ahaayeen Ciise, Gudabiirsey, Garxajis, Habarawal, Habartoljecje iyo warsan geli. Beesha dhulbahante kama mid ahayn beelahii la galay heshiiska dowladii Ingiriiska dhulkoodana waxuu ku qabsaday xoog markii uu ka itaal roonaaday dhaqdhaqaaqii gobonima doonka ee daraawiishta ee uu hogaaminaayey Seyid Maxamed Cabdulle Xasan.

Waxaynu heshiiskaan kabaran karaa laba arimood:
1. Ma jirin heshiis guud ee beeluhu la galeen ingiiska ee beel walbaa iskeed ayey u gashay heshiiska.
2. Qabiilka dhulbahantuhu kama mid ahayn qabaa’iilkii heshiiska lagalay ingriiska xisaabta ku darsoo xiliga heshiisyada la gelaayey daraawiishi majirin.

Hadaba maadaama aanu jirin heshiis guud oo mideynayey beelaha oo dhan xuduuduna ay ahayd mid beeleed oo xataa beesha reer sheikh Isaxaaq (Somaliland) ay sadex garab ku gashay heshiiska maxay tahay xuduuda Ingriiska oo reer Soomaaliland cuskanayaan. Hadiise ay ku guuleysteen reer Somaliland inay mideeyaan deegaanadoodii maamul iyo nidaamna u smaysteen xaqna ay u leeyihiin inay la go’aan deegaankooda xagee ka yimi damaca ah inay xoog kula go’aan dhulkii hoos imaanayey xuduudii ingriiska. Hadayse sababtu tahay inay la xumaatay inay keligood go’aan sow kuma qurux badnayn inay ku qanciyaan walaalahooda kale inay laqaataan ra’yigaas goosashada ah halkay ka leeyihiin dhulkii ingriisku gumaysan jirey ayaa noo xada cida dhulkaas degenina anagay na hoos timaadaa.

Muuse Biixi wuxuu marar badan ku andoocoodaa Afriki waxay ku heshiisey inaan wax lagabedelin xuduudii gumeysiga. Waa xaqiiq laakiin wuxuu ilowsan yahay xuduuda la dhowarayaa inay tahay tan hada caalamku aqoon sanyahay ee aanay ahyn wadamo isku biiray xad ay lahaan jireen. Dooda Muusena waxay gar noqon kartaa hadii Soomaliland la aqoonsado markaasayna ka hadli karaan xuduud lagusoo xad gudbey.

Hadaba si looga baaqsado dagaal daba dheeraada oo lagu riiqmona xalku wuxuu kujiraa in ciidamada la kala qaado reer SSC na loodaayo inay aayahooda ka tashadaan go’aanka ay soosaaraana lagu ixtiraamo.

Maadaama midnimada iyo goosashaduba aanay midna muqadas ahayn oo laga wada hadli karo lagana heshiin karo hadii reer (SSC) ay diidaan go’itaanka waxaan usoo jeedin lahaa reer Somaliland inay aaminaan dhulka ilaahay ku beeray oo runtii ka baaxad weyn wadamo badan oo caalamku aqoon san yahay sidaasna ay ku gaaraan himiladoodii ahayd inay mar’uun arkaan qaran madaxbanaan oo iyagu ka arimiyaan. Waan hubaa in soomalida kalena aqoonsan doonaan walaaladood maadama soomaali inteeda kale isla ogoshahay midnimada dhib iyo dheefba.

Cudud laysku muquunsho cidina yeelimayso hadeere caqligu ha shaqeeyo.

Wa bilaahi towfiiq

35a2

W/Q Faysal Siciid Dheere

Daabacaadii Puntlandes.com

 

About The Author