XOG: Sidee ayey Somaliland ula dhaqantay maxaabiistii dagaalka Tukaraq & shacabkii ay qafaalatay?
27 May 2018 (Puntlandes) Sida aad la socoteen labadii dagaal ee dhexmaray Ciidamada dawladda Puntland iyo kuwa Somaliland kana dhacay degmadda Tukaraq ee gobolka Sool maalmihii ay bishani ahayd 15ka iyo 24ka waxay sababeen khasaare isugu jira dhimasho, dhaawac iyo maxaabiis la kala qabsaday.
Waxaa kale oo jirtay in maamulka Somaliland ay ka qafaasheen dad shacab ah oo aan ku jirin dagaaalka, kuwaas oo ku safrayey wadada isku xirta Laascaano iyo Burco.
Hadaba maxaabiistii la kala qabsaday anagoo labada dhinacba ka hadli doona waxaan ku hormaraynaa sida uu Maamulka Somaliland ula dhaqmay maxaabiistii dagaalka & shacabkii la qafaalatay.
Sida ay Warbaahinta Puntlandes ka ogaatay Suxufi madaxbanaan oo ku sugan magaalada Hargaysa, isagoo nalo wadaagay XOG sugan oo wadata cadaymo isugu jirta Video iyo sawirro.
Tirada maxaabiistu waxay ka kooban tahay 14, waxayna kala yihiin 7 dhaawac ah iyo 7 badqabta, waxayna wali qabaan qaarkii Ciidamada ee ahaa Tuutihii ay qabeen xiligii dagaalka mana jirta cid ka bedeshay oo daryeeshay.
Dhaawaca ayaa waxa ku jira kuwo culus iyadoo nin ay madaxa kaga yaalaan xabado, halka mid kale qaarka dambe ay jajabisay, mid kalena dhabarka …
Maxabiistana Markii horena oo ay Burco yaaleena wax daryeel caafimaad ah ma helin, markii Hargaysa la keenayna waxa uu Suxifigu noo xaqiijiyey in isla markiiba loo dhaadhiciyey Xabsiga way ee MANDHEERA dhaawicii iyo kuwii kaleba.
Suxufiga ayaa waxa kale oo uu noo xaqiijiyey in AMARKA Xabsiga wayn ee Mandheera loogu dhaadhiciyey uu kasoo baxay madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi.
Xaggee bay kaga taalaa xeerarka caalamiga ah maxaabiis u baahan daryeel caafimaad oo xabsi wayn loo dhaadhiciyo loona diido daryerel caafimaad?
Waxaa kale oo aan daryeel maxaabiiseed helin 7dii aan dhaawaca ahayn ee qaarkood la soo afduubtay.
Xeerka Caalamiga ah ee Maxaabiista
Falkan waxashnida ah ee uu ku kacay Muuse Biixi waxay kasoo horjeedaa Xeerka Caalamiga ah ee Maxaabiista, kan Soomaalinimada iyo kan Islaanimada.
Waxay kaloo xaqiijinaysaa oo ka tarjumaysaa cadaawadda qotada dheer ee afkooda kasoo qubata Muuse Biixi iyo Faysal Cali Waraabe.
Jimcihii lasoo dhaafay ee ay bishu ahayd 25ka waxa laga helay goob ka mid ah aaga dagaalka ee Tukaraq Maxaabiis ay qabteen Ciidamada muulka Somaliland oo kadibna ay saraakiisha oo fulinaysa Amarka madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ku toogteen isla aaga dagaalka kadibna soo dhiibeen maydkooda.
Falkan dilka maxaabiista ayaa iyana kasoo horjeeda Xeerka Caalamiga ah ee Maxaabiista, kan Soomaalinimada iyo kan Islaanimada.
Maxaabiista Puntland ka hayso Somaliland
Sida aan ka warhayno Ciidamada Puntland waxay qabteen maxaabiis isugu jirta dhaawac iyo badqab ba. Maxaabiista dhaawaca ah waxay heleen daryeel caafimaad oo dhamaystiran.
Maxaabiista dhaawaca ah eek as oo jeeda Somaliland iyo dhaawaca Ciidamada Puntland waxay ku wada sugan yihiin isku goob caafimaad, waxaana loo daweeyaa si isku mid ah.
Dawladda Puntland ayaa waxay kaloo si ay ku jirto Ilaanimo, Soomaalinimo iyo Bani’aadanimo ula dhaqantay maxaabiistii badka q abay ee laga qabtay Somailand.
Dhawaan naga filo magacyada maxaabiista & beelaha ay kasoo jeedaan
Puntlandes.com