XOG: Weerarkii ay Argagixisada iyo xulafadoodu xalay kusoo qaadeen Ciidanka PMPF
02 June 2018 (Puntlandes) Xalay abbaartii saqdii dhexe ayay kooxda Argagixisada ah waxay weerar ku qaadeen Ciidamada Punt land Marine Police Force (PMPF) oo fadhigoodu yahay Deegaanka Ballikhadar ee buuraha Galgala.
Siday wararku sheegayaan, kooxdan argagixisada ahi waxaa laga soo abaabulay Maamulka Gooni issutaagga ah ee Somaliland, iyadoo xogta sirdoonku sheegayo in Argagaxisadan laga soo aruurshay gobolka togdheer & qaybo ka mid ah gobolka Sanaag, Ciidamada Puntland weerarkaasi xulufadu soo qaadeen waa ay iska caabiyeen.
Dowladda PL marar hore ayay sheegtay in Maamulka gooni issutaagga ah iyo Argagixisadu ay xiriir leeyihiin.
Dowladda Puntland ayaa waxay Somaliland u aqoonsan tahay Maamul gabaad u ah ARGAGIXISADA, waxaana ay Beesha Caalamka ugu baaqday inay si mug wayn oo ildheeri leh hoos loogu eego xarumaha ARGAGIXISADA ay ku leeyihiin Somaliland.
Puntlandes.com