DAAWO Dowladda Puntland oo Shaacisay Sarkaalkii Hogaaminayey Weerarkii Balli-khadar inuu Katirsan yahay Malayshiyaadka Somaliland
02 June 2018 (Puntlandes) Dowladda Puntland ayaa maanta waxay faahfaahin ka bixisay weerar saqdii dhexe ee xalay Alshabaab ay ku qaadeen Ciidamada Punt land Marine Police Force (PMPF) oo fadhigoodu yahay Deegaanka Ballikhadar ee buuraha Galgala.
Dowladda Puntland ayaa shaaca ka qaaday in weerarkaasi gaadmada ay ciidanka difaaca dowladda Puntladn isaga difaaceen raggii ka dambeeyey islamarkaana ay jabiyeen kooxdii soo qaaday.
Dhagayso wasiirka Amniga Puntland oo waraysi siiyey BBC caddeeyeyna in Somaliland ka dambaysay weerarka
Wasiirka wasaaradda amniga dowladda Puntladn Axmed Cabdullaahi Yuusuf Dowlad ayaa sheegay in weerarkaas Argagixiso uu hogaaminayey Sarkaal katirsan ciidamada Somaliland gaar ahaan guutada 8aad.
Weerarkan ayaa ahaa sida mid ay soo abaabushay gacan wayna uu ku lahaa maamulka Soomaaliland oo taageera Alshabaab.
Daawo muuqaalka shirkii jaraa’id ee wasiirka
Puntlandes.com