Sawirro: Ciidanka dowladda Puntland ee (PSF) oo maanta hawlgal qorshaysan ku dilay in badan 40 xubnood oo ka tirsan Al-shabaab.
02 June 2018 (Puntlandes) Ciidanka Amniga dowladda Puntland ee (PSF) ayaa maanta hawlgal qorshaysan oo sameeyeen ku dilay in badan 40 xubnood oo ka tirsan kooxda Alshabaab.
Hawlgalkan oo laga fuliyay degaanka Majare ee buuraha Calmadow ayaa jawaab u ahaa,weerarkii xalay malayshiyaadka Al-shabaab ku qaadeen xerada ciidamada Badda Puntland ee togga Balli-khadar,sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay PSF.
Ciidanka Amniga Puntland ee PSF ayaa sheegay in hawlgalkaasi lagu dilay in ka badan 40 xubnood oo ka tirsan malayshiyaadka Alshabaab ee xalay weerarka soo qaaday,sidoo kalena lagu dhaawacay 32 kale.
Qoraalka ka soo baxay PSF ayaa lagu caddeeyay in ay sii soconayan hawlgallada lagu baacanayo Al-shabaab ilaa iyo inta laga cirib-tirayo guud ahaan degaannadaasi.
Puntlandes.com