Daawo wasiiro Somaliland ah oo wadahadal ugu baaqay Puntland inkirayna inay shacabka Laascaano ku hayaan Caburin
02 June 2018 (Puntlandes) Xukuumadda Soomaaliland ayaa waxay shaaca ka qaaday inay diyaar u tahay inay wadahadal la gasho dowladda Puntland oo xabad joojion laga gaaro xaaladda deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool ka aloosan.
Wasiirka waasaaradda awqaafta iyo arrimaha diinta xukuumadda Somaliland Sheekh Khaliil Cabdullaahi Axmed ayaa shaaca ka qaaday in maamulka Muuse Biixi Cabdi uu doonayo xabad joojin iyo wadahadal laga gaaroTukaraq.
Daawo Wasiirka awqaaftaSheekh Khaliil
Wasiirku kama uusan hadlain dhulka ay Somaliland ka haysato Puntland ee ka mid ah Gobolka Sool oo ay ku xarunta Gobolka ee Laascaanoo, wuxuuna wasiirku dafiray inay Somaliland ku hayso Caburin shacabka Gobolka Sool ee ay xoogga ku haysato.
Dhanka kale waxaa isna saxaafadda la hadlay wasiirka Biyaha ee Muuse Biixi oo mudadii u dambaysay ku sugnaa magaalada Laascaanood oo uu usoo diray Muuse, wuxuuna u hadlay si ka duwan faankii iyo awood sheegashadii sidii madaxweynihiisa ee uu u hadli jiray isaagoo ku baryootamay wadahadal iyo in xaalada la dejiyo.
Daawo Wasiirka biyaha Koore