Daawo General Gorod oo uga digey ciidamada Milatariga ee Muqdisho inay fasax la’aan magaalada hub ku dhex qaataan

03 June 2018 (Puntlandes) Taliyaha Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed Gen. Cabdiwali Jaamac Xuseen Gorod ayaa ka hadlay isku dhacyada ciidamada ku dhex mara magaalada Muqdisho wuxuuna kasoo saarayd igniin.

36b2

Gen Gorod ayaa waxaa uu sheegay in maalmihii lasoo dhaafay ay magaalada Muqdisho ka socdeen falal amniga khatar ku ah, maadaama ay jireen iska horimaadyo ka dhaxeeyay ciidamada xasilinta iyo kuwa xoogga dalka Soomaaliyeed.

Gorod ayaa uga digay Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed in ay kasoo baxaan Saldhigyadooda fasax la’aan.

“Waxaan si gaar ah ula hadlayaa ciidamada xoogga dalka waxaana aan leeyahay xeryahiina ku ekaada markii aad soo baxaysaan fasax qaata ninkii ku dhex qaata hub gudaha magaalada isagoo aan haysan fasax lana dilo ama la xiro mas’uul kama nihin annaga ee isagaa qaadaya mas’uuliyada.”ayuu yiri taliyaha ciidamada xoogga dalka.

Taliyaha CXDS ayaa sidoo kale waxaa uu sheegay in ciidamada xasilinta laga doonaayo in ay tixgaliyaan ciidamada kale oo ay weydiiyaan aqoonsiyadda ay wataan.

Maanta iyo shalay ayaa ciidamada xasilinta iyo kuwa Milatariga waxa ku dhex maray dagaal qeybo kamid ah magaalada Muqdisho iyadoo degmada Wadajir ay ciidamada xasilinta ku dileen labo askari oo ka tirsanaa ciidamada xoogga dalka.

Daawo Gen Gorod

Puntlandes.com

About The Author