Madaxweynaha Puntland oo ku sii jeeda magaalada Baydhabo
03 June 2018 (Puntlandes) Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta oo Axad ah la filayaa in ay u safraan magaalada Baydhabo ee xarunta Koonfur Galbeed, halkaas oo ay uga qeybgalayaan shir gaar ah oo dhexmaray dawladda Faderaalka & Dawladaha xubnaha ka ah Faderaalka.
Shirka Baydhabo ayaa looga hadlayaa Ammaanka, Siyaasadda & Heshiisyadii horey loo galay oo aan waxba is afgarad ah laga gaarin.
Shirkan ayaa wuxuu ku soo beegmayaa xili uusan wanaagsaneyn xariirka u dhaxeeya Puntland iyo dawladda Faderaalka Soomaaliya.
Puntlandes.com