Somaliland oo ku calaacashay in Beesha caalamka woodooda dhaqaale & awoodooda siyaasadeedba u isticmaasho joojinta dagaalka Tukaraq
03 June 2018 (Puntlandes) Maamulka Somaliland Oo Beesha Caalamka Ugu Baaqday Inay Awoodeeda Siyaasadeed U Isticmaasho Xaalada Tuko-raq
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland Sacad Cali Shire, ayaa sheegay inay Beesha Caalamku xogogaal u tahay kana dharagsan tahay xaalada ka taagan Gobolka Sool, gaar ahaan dagaaladii dhexmaray Somaliland iyo Puntland, waxaanu Beesha Caalamka ugu baaqay inay si toos ah u soo gasho arinkan, oo awoodooda dhaqaale iyo awoodooda siyaasadeedba u isticmaasho.
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland Dr Sacad Cali Shire, oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale wuxuu baaq Sabaalo ah udiray bulshada reer Sool. Wasiir Sacad wuxuu isagoo ka hadlaya mawqifka Somaliland uu yiri “Inagu waxaynu nahay umad nabadeed, waxaanu jecel nahay inaynu nabad kula noolaano jaarkeena oo dhan, waana nasiib daro iyadoo ay tahay bil Ramadaan in dagaalo iyo weerar is daba joog ah, oo gardaro ah in la inagu soo qaado, inagu dagaal ma wadno, oo waxaanu doonaynaa in wixii inaga dhexeeya inaynu wada hadal ku dhamaysano, oo dadka loo tudho,
Wasiir Sacad mar uu baaq u diraayey dadka Gobolka Sool ayaa yiri “Arinkani arin la reereeyo maaha, Somaliland xad caalamiya ayey leedahay, xadkaas caalamiga ah reero badan baa ku nool, waliigoodna wey ku noolan jireen, laakiin dad leh ujeedooyin siyaasadeed ayaa doonaya inay reernimada u soo maraan, waxaanu ugu baaqaynaa dadka reer Sool ee la galinayo dabka iyo dhibaatada in aanay u dheg taagin baaqyada reeraysan ee ay wadaan dadka doonaya inay qas iyo nabadgalyo daro ka dhex dhaliyaan deegaanka, dagaalkuna waa dab ee wax buu burburiyaa ee waxba ma dhiso, marka waxa loo baahan yahay in dadku meel uga soo wada jeedaan bari, galbeed, koonfur iyo waqooyiba wixii kala qaybinaya, ee qas iyo dhibaato u keenaya”
Sacad mar uu ka hadlaayey Puntland ayaa yiri “Puntland waxaanu ugu baaqaynaa inay gardarada inaga joojiyaan, oo colaada iyo xumaanto wax aan kala fogaansho iyo xumaan ahayn ma keenayso, qof kasta oo dab huriya, dabku isaguun buu ku soo noqdaa, iyana uma baahna, inana uma baahnin, waxaanu ugu baaqaynaa Puntland inay joojiyaan abaabulka iyo muusanoowga ay wadaan, oo xabada joojiyaan, wixii tabasho ah ee jirina wada hadal ha ka bilaaban, ramadaantana xushmeeyaan, dadka soomana aanay bad galin”
Mar uu ka hadlaayey Beesha Caalamka iyo waxay ka go’tay dagaalkan ayaa yiri “Beesha Caalamku aad bay uga dharagsan tahay, arinka ka taagan jiida, cida gardaran iyo cida garta lehba, si fiican bay uga dharagsan yihiin, iyagana waxaanu ugu baaqaynaa inay isticlaaman awoodooda, sidii gardaradaasi isku taagi lahayd,
Puntlandes.com