Dhagayso: Wakiilka dowlada Puntland ee woqooyiga America ,waxqabadka xafiiska & xaalada guud ee somalia XASAASI
03 June 2018 (Puntlandes) Waraysigan oo Marwo Mulki C/samed X Xuseen Wakiilka dowlad goboleedka Puntland ahna gudoomiyaha Jaahliyada Puntland ee Woqooyiga Ameerika ay siisay Golaha1960 iyo Websaydhada ay wada shaqeeyaan oo uu ka mid yahay Puntlandes.com,waxay kaga warantay baahida keentay in la furo xafiisakan iyo waxqabadka uu diyaarka u yahay inuu bulshada reer puntland iyo somali oo dhanba u qaban doono.
Xafiiska ayaa adeegyada uu qabanayo waxaa ka mid ah Fududaynta baahiya Helida baasaboorka Soomaliga ah, isku xirka bulshada reer Puntland ee woqooyiga Amerika iyo dhulkii hooyo ,u fududaynta dadka u baahan xafiisyada kala duwan ee dowlada Maraykanka sidii ay ula xiriiri lahaayeen, diiwaan gelinta dadka reer Puntland ee woqooyiga America Iyo arimo badan oo kale kale oo aad u muhiima.
Dhagayso waraysiga oo uu qaaday wariye Dhegood
Puntlandes.com