Daawo Guddiga Difaaca PL oo ka hadlay Caburinta Laascaanood, Dagaalka Socda & Xaaladdaha Xoreynta Sool

04 June 2018 (Puntlandes) Guddiga Difaaca ee dawladda Puntland oo  wariyaasha kula hadlay magaalada Garowe ayaa ka hadlay arrimaha ka taagan magaalada Laascaanood.
35a8
Guddiga Difaacu waxay ogeysiiyeen shacabka Laascaano in ay ka digtoonadan dhagaraha maamulka Hargeysa ay abaabulayaan, oo ay ku doonayaan in ay caburin, dil iyo xarigba u geystaan Shacabka magaaladaas.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Dowladaha Hoose & arrimaha Reer guuraaga Puntland Cabdulahi Axmed Xirsi (Timacade) ayaa sheegay in maamulka Somaliland uu dhibaato joogta ah ku hayo dadweynaha Magaaladda Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool.

Wasiirka waxaa uu wax laga xumado ku tilmamay in waxyeelo joogta ah lagu hayo shacabka magaalada Laascaanood oo uu ku tilmamay fal aan wafaqsanay xuquuqda bini-adamka in la handado biri-magaydada.

Daawo muuqaalka

Puntlandes.com

About The Author