Sawirro: Shirka Golaha amniga qaranka ayaa si rasmi ah uga Furmay Baydhabo

04 June 2018 (Puntlandes) Shirka Golaha amniga qaranka ayaa si rasmi ah uga Furmay Magaalada Baydhabo ee xarunta maamulka KGS.
Shirka ayaa socondoona nuddo laba maalmood ah, waxaana maanta furay Madaxweynaha JFS Maxamed Cabdulaahi Farmaajo, iyadoo ay ka qaybgalayaan madaxweynayaasha dawlad Goboleedyada dalka iyo raiisul wasaaraha xukuumadda faderaalka.

Ajandayaasha looga hadlayo shirka ayaa waxaa ka mid ah amniga dalka, hanaanka doorashooyinka 2020, federaaleynta, isku dhafka iyo tayeynta dastuurka iyo qodobo kale.

Shirkan ayaa noqonaya kii ugu adkaa ee ay isugu yimaadaan Golaha Amniga Qaranka, sida ay odorasayaan khuburada daqanqeeya arimaha Soomaaliya.

Waxaa xusod mudan in shirarkii hore uu ka qaybgali jiray gudoomiaha Golaha Shacabka laakiin kan uusan ka qaybgalayn gudoomiyaha cusub.

IMG_20180604_134419

IMG_20180604_134442

IMG_20180604_134453
Puntlabdes.com

About The Author