Daawo dawladda Puntland “Lacagta ay dawladda Faderaalku ugu deeqday Somaliland waxaa lagu xasuuqayaa shacabka Gobolka Sool”
05 June 2018 (Puntlandes) Shir jaraa’id oo maanta ay qabteen guddiga difaaca Puntland ayaa waxay ka digeen lacagta kaashka ah ee dowladda Faderaalka Soomaaliya ugu deeqday maamulka Somaliland.
Guddiga difaaca Puntland ayaa sheegay in aysan diidaneen u gurmashada dadka Somaliland, balse lacagtaasi loo adeegsanayo hub iyo dhibaataynta shacabka kunool gobolada Sool, Snaag iyo Cayn .
Dowladda Puntland ayaa dowladda Faderaalka Soomaaliya ku eedeysay in ay sii hurinayso dhibaatada ka taagan gobolada Sool Sanaag iyo Cayn, iyadoo aan horay marna looga maqal ka hadalka dhibaatada uu maamulka Somaliland ku hayo shacabka deegaankaas.
Wasiirka arimaha gudaha Puntland Cabdullaahi Cali Xirsi Timo-Cadde iyo xubnaha guddiga difaaca Puntland ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay hal-dhinac u leexisay dhaqaalihii loogu tala galay in loogu gurmado dadka ay saameeyeen duufaanada iyo roobabka dhawaan ka da’ay gobolada dalka.
Dawladda Puntland ayaa Camabaaraysay falka ay ku kaceen madaxda DFS ee safashada iyo u hiilinta maamulka Somaliland oo dhibaato dil, caburin iyo xar ig ah ku haya shacabka gobolada Sool, Snaag iyo Cayn.
Daawo muuqaalka shikii jaraa’id
Puntlandes.com