Kolonyo galbineysay Xildhibaano ka tirsan Hirshabeelle oo jidka u dhaxeeya Jowhar & Balcad loo galay
05 June 2018 (Puntlandes) Kolonyo galbineysay Xildhibaano ka tirsan Hirshabeelle ayaa waxaa loo galay jidka u dhaxeeya Jowhar iyo Balcad, agagaarka deegaanka Ceelka Geelow oo u dhaxeysa Balcad iyo Qalimow.
Dabley hubeysan oo ka tirsan yihiin Alshabaab ayaa weeraray kolonyada ciidan oo galbinayey Xildhibaano, waxaana la sheegay in dagaal muddo socday uu dhex maray ciidamo galbinayay Xildhibaanada.
Wararka ayaa sheegaya in labo xildhibaan oo ka tirsan Baarlamaanka Hirshabeelle lagu dilay weerarka iyo askar ka tirsan ciidamada dowladda, sidoo kale waxaa la gubay illaa labo gaari oo mid ka mid ah uu ahaa gaari kuwa dagaalka.
wararku waxay intaas ku darayaa in ugu yaraan lix askari ay ku geeriyoodeen oo uu ka mid ahaa taliyihii ciidamada ilaalada madaxweyne ku xigeenka maamulka Hir-Shabeelle Cali Guudlaawe Xuseen oo xildhibaanada ilaalo u ahaa.
Ciidamo gurmad ah oo ka kala yimid Johwar iyo Balcad ayaa gaarey goobta uu ka dhacay weerarka ee degaanka Ilbaq, kuwaas oo goobta kasoo waday xildhibaanadii waddada loo galay.
Puntlandes.com