Faahfaahin weerarkii lagu qaaday kolonyada galbinaysay Xildhibaanada

05 June 2018 (Puntlandes) Weerar lagu qaaday kolonyada galbinaysay Xildhibaanada ka tirsan Baarlamaanka Hirshabelle ayaa qwaxaa ku geeryooday labo oo kamid ahaa xildhibaanada Hirshabelle, lix askari oo ka mid ah ciidamada dawladda faderaalka iyo guddoomiyihii degmada Raage Ceelle.

36b7

Weerar ayaa lagu qaaday xilli ay marayeen Il-Baq oo ah meel howd ah oo u dhexeysa deegaanada Qalimow iyo Gololey oo ka tirsan degmada Balcad ee gobolka Sh/dhexe.

Xildhibaanada la diley ayaa magacyadooda lagu kala sheegay Ismaaciil Muumin Hilowle iyo Sheekh Daahir Mukhtaar, waxaa sidoo kale weerarkaasi lagu dilay Guddoomiye kuxigeenkii Raage Ceelle Muuse Cabdule Maxamed Muuse Afweyne, iyo mid kamid ah saraakiisha ciidamada dowlad goboleedka Hirshabelle oo magaciisa lagu soo gaabiyay Xasan Dhagey.

Weerarkan ayaa waxaa markiiba sheegtay ururka Alshabaab iyadoo warbaahinta taageerta ururkaas ay qoreen in weerarkan ay ku dileen 12 askari iyo labo ka mid ah xildhibaanada dowlad goboleedka Hirshabelle.

Ma jiro illaa iyo hadda wax war ah oo ka soo baxay dowlad goboleedka Hirshabelle oo la xiriira weerarkan qasaaraha uu ka dhashay hase yeeshee waxaa goobta uu weerarku ka dhacay gaaray ciidamo gurmad ah iyo qaar ka mid ah xildhibaanada dowlad goboleedka Hirshabelle.

Ururka Alshabaab ayaa kordhiyay weerarada ay ugaga soo horjeedaan ciidamada dowlada iyo AMISOM tan iyo bilowgii bishan barakaysan ee Ramadaan.

Puntlandes.com

About The Author